Page 1 of 1

Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay...

Posted: Sat Nov 09, 2013 11:52 am
by CaynabaX
Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay Mid ka Mid ah Saddexdii Nin ee isku dayey in ay Dilan Maxamed Kaahin.

Hargeysa(Waaheen) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu Magacaabo Maxamed Buur oo ka mid ahaa Saddexdii nine e maanta Isku Day Dil la beegsaday Guddomiye Kuxigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Halka aanay illaa Imika Ciidanka Bolisku Gacanta ku dhigin Ninkii Qoriga ku qabtay Maxamed Kaahin iyo Nin kale oo la socday.

Ninka Qoriga Sitay ee isku dayey in uu Dilo maxamed Kaahin ayaa la yidhad Khaalid Cabdilaahi Falaago, waxana dhalay nin ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM oo caan ka ah Hargeysa.

Saddexdan nin oo Sitay Qori K-A 47 ayaa maxamed Kaahin ugu tagay Hoteel lake Asal oo ku yaala Xaafada Shacabka, una dhaw Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa, wakhtigaasi oo isaga iyo masuuliyiin kale oo Xisbiga ka tirsani ay ku sugnaayeen Hotelkaasi.

Basle Nimankan oo Hubaysan ayaa waxay abaareen halkii uu hotelka ka fadhiyey Maxamed Kaahin iyaga oo ku fiiqay Qoriga ay siteen waxayna ku yidhadeen sidda la sheegay “haddiinu Maxmaed kaahinow ka bixi waydo arrimaahga Xabad yaanu kugu dhufani, kadiban waxa la sheegay in uu isaguna uu la soo baxay Bastoolad uu sitay isag aoo dooanayey in uu iska difaaco.

Illaa imika ma cada Sababta ay nimankani u bartilmaamadsadeen Maxmed kaahin balse warka qaar ayaa sheegay in Saddex Maalimood ka Hor uu ninka falkan geeystay uu odayaal ka tirsan Beeshii Reer Samatar uu u gudbiyey cabasho uu ka cabanayo Maxamed kaahin oo uu sheegay in uu ku dirro Muuse Biixi oo ninkan isku reer yihiin, khaatina uu ka tagan yahay, haddii laga qaban wayana uu iska qaban doono..

C/raxman Isbatoore

Waaheen media Group

Hargeysa, Somaliland

Re: Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay...

Posted: Sat Nov 09, 2013 5:21 pm
by kaliil
Warkan waxa lagu sheegay inuu qofka xabada riday reer samatar yahay.qaar reer samatar ah ayaan weydiiyay inuu ninku iyaga yahay markaasay xanaaqeen oo yidhaahdeen reer samatar xabada toos ayay u ridaan oo qofkay ku wadaan lama waayaan

Re: Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay...

Posted: Sun Nov 10, 2013 3:17 am
by skywalker25
Ma sidas ba. Abti u sheeg kuwaas; xabadu kuma dhacdo reer Daahir ka..

Re: Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay...

Posted: Sun Nov 10, 2013 4:14 am
by kaliil
Haye abti fariintaa waan kaa gaadhsiinayaa kuwaas.ninka mujaahidka ahr wadanka usoo halgamay waa khalad ina qori lagu fiiqo ama loo hanjabo.

Re: Ciidanka Booliska ee Somaliland oo Gacanta Ku dhigay...

Posted: Sun Nov 10, 2013 9:05 am
by samatar133
There are many psychopaths running around with guns in SL :wow:
Has the police captured others involved this incident yet?