Former president Abdiqasim Salad his advice for PM and Presi

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19081
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Former president Abdiqasim Salad his advice for PM and Presi

Post by FarhanYare »

Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula taliyay inay khilaafkodda xal u helaan si aan looga faa’iideysan.



Dr. C/qaasim oo u warramayay warbaahinta Muqdisho isagoo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in khilaafkan uu ragaadin karo horay u socodka Soomaaliya, wuxuuna xusay in khilaaf uusan waxba soo kordhinayn, ayna ka wanaagsan tahay in la heshiiyo.
“Waan ka xumahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya, waayo waxaa la filayay dhowr iyo labaatan sano kaddib in laga baxay xilli khilaaf iyo is-qabasi, arrintanna waa mid ay ka xun yihiin shacabka oo dhan,” ayuu yiri C/qaasim.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa sheegay in looga baahan yahay madaxda dowladda inay khilaafka ka heshiiyaan inta aysan ka faa’iideysan kuwa diidan jiritaanka Soomaaliya.

“Khliaaf waa imaan karaa, waxaadna mooddaa in khilaafkan uu la mid yahya kii soo taagnaa tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carte, waxaana kula talin lahaa madaxda dowladda inay iyagu heshiiyaan, haddii ay taas dhici waydo waxaan qabaa in guddi lagu kalsoon yahay loo saaro go’aankii ay gaaraanna lagu kalsoonaado,” ayuu Dr. C/qaasim hadalkiisa raaciyay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaan kula talinayaa inaan khilaafkooda laga faa’iideysan oo aysan kooxo diiddan jiritaanka Soomaaliya midba gaar midiyaha ugu afeyn. Ayna ogaadaan in taasi ay imaan karto haddii khilaafkoodu sii socodo.”

Sidoo kale, C/qaasim wuxuu sheegay in xilligan aysan ahayn xilli khliaaf oo ay tahay xilli dalka horumar lagu hoggaamin lahaa, sidoo kalena la caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ay ku dhaceen musiibooyink dabiiciga ah, lana xallin lahaa dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood.

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in xilligan uu filyay in madaxda Soomaalida uu ka dhammaaday khilaafaadyadii horay u dhexmari jiray oo loo gudbay xilli dalka nabad iyo barwaaqo la gaarsin lahaa, balse uu aad uga xun yahay arrintan sida ay shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin oo kale.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa yimid kaddib markii madaxweynuhu uu weydiistay ra’iisul wasaaraha toddobaadkii hore in uu xilka iska casilo, iyadoo khliaafku uu maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysnayo.
User avatar
Sheikh Mustafa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1262
Joined: Sat Jul 19, 2008 2:40 pm

Re: Former president Abdiqasim Salad his advice for PM and P

Post by Sheikh Mustafa »

Adeer Cabdiqaasim need to rest and chill out. He could not convince Reer Jalaf in ay VIlla Somalia Kabaxaan. Him and Galaydh could not agree on even though they were both living in a hotel In Muqdisho and had no office :lol:
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Former president Abdiqasim Salad his advice for PM and P

Post by oxymoron »

Sheikh Mustafa wrote:Adeer Cabdiqaasim need to rest and chill out. He could not convince Reer Jalaf in ay VIlla Somalia Kabaxaan. Him and Galaydh could not agree on even though they were both living in a hotel In Muqdisho and had no office :lol:
:lol: :lol: :lol:
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19081
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Former president Abdiqasim Salad his advice for PM and P

Post by FarhanYare »

sheikh mustafa :lost: :lost:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”