breaking news: parliament receives an anti-pm motion(168 mps

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

breaking news: parliament receives an anti-pm motion(168 mps

Post by sahal80 »

The somali parliament has received today an anti-pm saacid motion signed by 168 mps.

Pm saacid to be called soon.

Wallahi jawari saacid waa uga baxey, ninka parlamaanka gudoonsiiyey waa farah abdulqadir ina adeerkii waxaa cajiib ah inuu ololaha qeeb ween kulahaa!!

Cawad iyo muudeey labadaba wa farah abdulqadir ilmo adeeradiis!!

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ah mid kalsooni kala noqosho ah.
Warar ay goor dhow heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in mooshin ay ku saxiixan yihiin 168 Xildhibaan loo gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Mooshinka ayaa waxaa goor dhow geeyay ilaa labaatan Xildhibaan oo uu horboodayay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey, iyadoo Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka uu ka gudoomay qoraalka mooshinka.
Wararka ayaa sheegaya in galabta ay shir gaar ah ka yeelanayaan mooshinkan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Gudi hoosaadyada Baarlamaanka ee ah 15-ka gudi iyo Gudoomiyaha, oo ka sii baaraan degaya ajandaha ugu soo horeeyay ee kulanka baarlamaanka oo ay kaga doodi doonaan.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mahad Axmed ayaa u sheegay Xildhibaanada mooshinka u keenay inuu yahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana 55-xildhibaan ay keeni karaan mooshinka, balse haatan Xildhibaanada soo saxiixay ay tiradaas aad uga badan yihiin.
Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigaya in Xildhibaan mooshin saxiixay aanu ka noqon karin, waana mida culeys ku ah Ra’iisul Wasaaraha marka loo eego tirada saxiixday ee 168-ka xildhibaan.
Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu ka yeesho kulan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo salka ku haya mooshinka, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka loo qeybinayo, isla markaana maalinimada Isniinta ay ka doodi doonaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo safar dibada ugu maqan ayaa la filayaa in maalinta berri uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir gudoomiyo kulamada baarlamaanka ee looga doodayo mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha.
 
Inkastoo tirada Xildhibaanada ku saxiixan mooshinka ay aqlabiyad ahaan ay aad u badan yihiin, hadana waxaa la rumeysan in Xildhibaanadan inay taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in ridista Ra’iisul Wasaaraha u adeegsado Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore diiday dalab uga yimid Madaxweynaha oo ahaa inuu is casilo, iyadoo taas ay keentay khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan ka qaato khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo si weyn u gil gilay siyaasada dowladda Soomaaliya.
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: breaking news: parliament receives an anti-pm motion(168

Post by sahal80 »

Many mps have confirmed submitting a motion againist the somali pm signed by 160 mps

Will pm saacid resign on friday or will he go to the parliament a day after where 168 mps are waiting him?

Bad position for the pm. Thanks pm saacid for serving the nation and for your tanazulaat for the sake of the nation. :som: :up:
Minneapolis Mayor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3576
Joined: Sun Jul 27, 2008 5:22 pm

Re: breaking news: parliament receives an anti-pm motion(168

Post by Minneapolis Mayor »

This MPs want Money. I am sure this is all about money. Anti Saacid Lobbyist going corridor to Corridor buying votes.

Saacid should not resign. If the MPs want to disrupt the Country's progress, let them continue.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”