http://hobyonet.com/2013/11/21/madaxwey ... -sawirada/
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jen.Cabdi xasan Cawaale ayna Ka Mid ahayeen Xubno Wasiiro,Xildhibaano,Agaasimayaal Iyo Masuuliyin kale ayaa Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha OSHACO AIRPORT INTERNATIONAL.
Madaxweynaha Ayaa Si Rasmi ah Xariga Uga Jaray Garoonkan Cusub isagoo Kadib La hadlay Shacabkii Halkaa ku soo Dhaweeyay wuxuuna Si Kooban Uga Hadlay Furitaanka garoonka OSHACO oo Ku yaala Duleedka Bari ee Magaalada Galkacyo wuxuuna Xusay in uu yahay Mid ay Adeegsan Karaan Dhamaan Bulshada Soomaliyeed uuna Yahay Mid ay Dhisteen Ganacsato Reer Galmudug.
Dhanka kale Madaxweyne Qaybdiid ayaa Sheegay in Garoonka Gaalkacyo Lagu Xisaabtami Doono Dhaqaalihiisa iyo Isticmaalkiisa Ayna Hada Dhaqaalihiisa Gacanta ku hayaan Maamulka Puntlland.
Garoonka Oshaco Ee Galmudug ayaa Ah Kii Ugu Horeeyay ee Laga hirgaliyo Duleedka Galkacyo ee Galmudug waxaana Furitaanka Garoonkan Soo Dhaweeyay Dhamaan Bulsha weynta Galmudug iyagoo ku tilmaamay talaabo Horumar ah.
SHABAKADDA WARARKA WWW.HOBYONET.COM
