If he goes, the plan is to take damuljadid crew down with him. If he stays he will finally fully exercise his god given Constitutional Powers, keeping damuljadid in check and balance of power even.

So Far Prime Minister saacid keeps damuljadid at bay, motion in parliament stalled.


Muqdisho:- Baarlamaanka Soomaaliya oo la horkeenay Mooshin ka dhan ah Raysalwasaaraha & Sawaxan ka jira Xarunta.
24. november 2013
Allpuntland
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdon Saacid, iyadoo buuq iyo qeylo uu ka dhex abuuray Mudanayaasha Baarlamaanka.
Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 201 xildhibaan, waxaana shir gudoominaya Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu hor yaalo mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo khamiistii loo soo gudbiyay Gudoonka.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan Ra’iisul wasaaraha ay dalbadeen in mooshinka lagu lifaaqo magacyada saxiixayaasha oo la sheegay in 168 ay soo gudbiyeen, hadii kalena uusan sharci aheyn.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga doodi maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 30-ka November, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan shakiyo Xildhibaanada ka qabaan tirada rasmiga ah ee saxiixday Mooshinka.
Sidoo kale Gudoonka ayaa ku wargeliyay xildhibaanada in isla sabtida loo soo gudbinayo magacyada liiska Xildhibaanada saxiixay mooshinka, kaasoo keenay in mudanayaasha taageersan Ra’iisul Wasaaraha ay buuqaan
Saxawaxan ka jira Xarunta Golaha shacabka ayaa laga yaabaa in uu keeno dib u dhig lugu sameeyo Mooshinka Raysalwasaaraha ka dhanka ah.
ilo lugu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Mooshinka Raysalwasaaraha uu dib u dhici karo ilaa iyo 30 bishaan.