copied copied copied

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
jamal9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2972
Joined: Tue Jul 02, 2013 2:41 pm
Location: Life is a bitch then you become one

copied copied copied

Post by jamal9 »

Yusur A. F. Abraar ayaa noqotay Qofkii ugu horeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iska calisa kadib markii ay bishaan horaanteedii ku dhawaaqday inay ka dagtay xilkii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Is-casilaadda Yusur ayaa timid kadib markii sida ay sheegtay ay Madaxda Dowladda iyo Qaraabadooda kala kulantay culeys u ogolaan waayay inay shaqadeeda u gudato sidii laga rabay. Waxaa fajiciso iyo la yaab ku noqotay Madaxda Villa Soomaaliya inay maqlaan in jaggo sidaas u sareysa uu Qof Soomaali ah iska casili karo, maadaama booskaas uu yahay booska kaliya ee ay ku soo dhacayso lacagaha Malaayiinta ah ee Soomaalidu leedahay. Waxaa horay looga bartay madaxda Soomaalidu inay kala qeybsadaan lacagaha, howshoodana ay sii wataan.

Dhanka kale talaabada Yusur waxay fajiciso iyo layaab ku noqotay beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Qaramada Midoobay iyo Maraykanku, oo iyaguna la yaabay in Qof Soomaali ah uu muujin karo daacadnimo intaas le'eg oo inta uu sheego Musuq-maasuq jira hadana uu iska casilo xilkii uu hayay.

Hadaba waxa Todobaadkaan horaantiisii ay go'aan ku gaareen Beesha Caalamku inay Yusur Abraar u magacaabaan Madaxa-maaliyadda Lacagaha Deeqaha ah ee Soomaaliya loogu yaboohay shirarkii Brussels iyo London iyo lacagaha kale ee ka imaan doona wadamada deeq-bixiyayaasha.

Xafiis weyn ayaa looga furay Yusur Gudaha xaruntii hore ee Xalane oo kaabiga ku heysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Inkastoo Bangigii Dhexe ee dowladda Soomaaliya uu sidiisii u furnaan doono, laguna soo shubi doono lacagaha Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo lasoo bargooyay, hadana xafiiska Yusur Abraar wuxuu noqon doonaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliyeed ee dhabta ah, waxaana lagu soo shubi doonaa lacagaha Soomaalida loogu tala galay, oo iyaga laftirkooda aan loo sii gudbin doonin dowladda Soomaaliya ilaa ay muujiso daacadnimo iyo amaano.

Lacagaha xafiiska Yusur ayaa lagu qarash gareyn doonaa Ciidamada AMISOM, gaarka bani'aadanimo, mushaarada xildhibaanada iyo golaha wasiirada, taakuleyn dadka barakacay, abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
User avatar
jamal9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2972
Joined: Tue Jul 02, 2013 2:41 pm
Location: Life is a bitch then you become one

Re: copied copied copied

Post by jamal9 »

Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.
I stole your content from your website Keymedia. Whatch gana do now, huh!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”