
http://horseedmedia.net/2013/12/05/war- ... da-bosaso/
qarax_kale
Gooreysadu markey ahayd abaaro 11:00 barqanimo ee maanta oo Khamiis ah ayaa hal mar la maqley qarax aad u weyn oo ka dhacay waddada ka soo baxda Suuaqa Caanaha isla markaana aada dhanka Hotel Imaraat, Uuro iyo qiiq ayaa cirka isku shareeray, waxaana firirku gaarey meelo aad uga fog halka qaraxu ka dhacay.
Horseed Media oo soo xiganaysa kuwo Indhahooda ku arkaayey markii qaraxu dhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaaahaa mid uu fuliyey qof naftiisa miidaamiyey, warar ayaa sheegaya in gaari nooca Noah lo yaqaan uu watey halka warar kalena ay sheegayaan in uu saarnaa Mooto.
Qaraxan ayuu la beegsadey kan is diley gaawaari ay wateen ciidanka Badda ee Puntland ee ay tababartey Shirkaddii SARACEN, inkasta oo aan weli la xaqiijin tirada gawaarida ee ciidanku watey ayaa dadka qaarkiis sheegayaan in laba kamid ah saraakiisha ciidanka Badda tababarta ee midabkoodu Caddaan ahaa ay la socdeen gaaariga bur-burey, ma jiro cid si rasmi ah u cadeysey warkaas.
Labada Isbitaal ee magaalada Bosaso ayaa la gaarsiiyey dadkii ku dhawacmey oo u badnaa dadkii goobtaas ka agdhawaa, waxaana goobtu ahayd goobaha ugu mashquulka badan isla markaana xilliga qaraxu dhacaayey ay adagtahay in gawaridu ay si fiican u maraan marka la eego mashquulka iyo ciriirka.
Mid kamid ah kalkaaliyaasha caafimaadka ee Isbitaalka guud oo ka gaabsadey magaciisa ayaa Horseed Media u sheegay in dhimashada iyaga la soo gaarsiiyey ay gaarey 7 qof, waxaase jira Isbitaal kale oo loo qaadey dad qaba dhaawacyo culus, Dhaawaca ayuu sheegey in ay ka badan yhiin 30 qof.
vlcsnap-2013-12-05-12h35m15s180
vlcsnap-2013-12-05-12h37m24s169
vlcsnap-2013-12-05-12h38m12s148 - Copy
vlcsnap-2013-12-05-12h39m09s208
qarax_
qarax_kale
qarax-1
Qaraxaa
qaraxii
Ciidamada Badda ee Puntland ayaa goobta qaraxu ka dhacay soo gaarey waxaana ay rideen rasaas aad u faro badan, waxaa istaagey ganacsigii iyada oo sida caadadu ahayd waqtiga duhurkii la xiri jirey inta badan Meheradaha Ganacsiga ee Bosaso ayaa waxaa maanta saameyn ku yeeshey qaraxan.
Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegey in dhimashadu ay tahay 8 qof oo uu ku jiro ninkii is qarxiyey, waxaana uu sheegey in qaraxan ay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab iyaga ayaa qaraxyada caynkan ah fuliya ayuu yiri.
Dhamaadkii bishii la soo dhaafey ayaa Koox dowladda Puntland ku tilmaantey Fallaago “Rebel” waxay weerar ku qaadeen Xabsiga Bosaso, waxaana ay dileen taliye kuxigeenkii Xabsiga iyo qaar kamid ah askerta iyaga oo dhaawacyo gesytey isla markaana bur-bur gaarsiiyey Xabsiga.
Waxaa muddo bil ah kadib Puntland dooranaysaa Madaxweynihii hoggaamin lahaa shanta sano ee soo socota.
Horseed Media 2013








