Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of All Somali people''

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of All Somali people''

Post by Somali-Transporter »

MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Dowladda federaalku waxay ballanqaadaysaa Ilaalinta Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed”

Image

Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ku beegan 10-ka December oo maanta ah ayaa sheegay inay dowladda federaalku ballanqaadayso ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay lasoo kulmeen 22-kii sano ee ay colaaduhu jireen tacadiyo fara badan oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah, isagoo sheegay in ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha aysan xilligan boos uga bannaaneyn Soomaaliyada cusub.

“Somalia waxaa ka dhacay xadgudubyo badan oo dhinaca aadanaha ah intii ay dagaallada sokeeye socdeen, balse maanta waxaan shacabkayga u dirayaan farriin ah in ku xagudubka xuquuqda aadanaha aysan melena uga bannaaneyn Soomaaliyada cusub,” ayuu madaxweynuhu ku yiri war kasoo baxay xafiiskiisa oo ku qornaa afka Ingiriiska.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in xukuumadda Soomaaliya ay ballanqaadayso ilaaliso xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Waxaan ka shaqeynaynaa inaysan dhicin dhibaatooyinka dhan ka ah xuquuqda aadanaha Soomaaliya.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dastuurka Soomaaliya ay ku qoran tahay in la difaaco xuquuqda aadanaha, dowladduna horay ayay u soo saartay qodobbo lagu difaacayo xuquuqda aadanaha, waana kuwaas buu yiri kuwa aan fulinayno oo aan ku dhaqmayno.

“Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay aqbashay qorshe howleedka (Road-map-ka) dhowrista xuquuqda aadanaha 2013 illaa 2015, kuwaasoo qeexaya ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya. Dowladduna waxay ku dadaali doontaa inay gaato hadafyada uu qorshahan qeexayo iyadoo la kaashanaysa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, NOG-yada iyo sidoo kale saaxiibbadeenna caalamka,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay inay la socdaan in dunidu ay si dhow u eegayso Soomaaliya, ayna ku dadaali doonaan inay xoojiyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha, inkastoo ay jiraan buu yiri warar dacaayad ah oo la xiriira arrintan.

Inkastoo madaxweynaha Soomaaliya uu hadal jeediyay maanta haddana waxaa jirta in hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee calaamiga ah ay ku eedeeyaan ciidamada dowladda iyo kooxo kale oo hubeysan ay falal ka dhan ah xuquuqda ka geystaan xeryaha barakacyaasha ee Muqdihso ku yaalla.
The unity plan is still on.. All Somalis have to sacrifice for this coming Peace for our country.. we have no lands today we most put our difference behind us and not become the NeXT kurds..

Somalia is a Rich land and there is place for all of us.. its time to evolve.. Somalia is a paradise if only you knew?

Giving the tribes there rightfully lands will be the most important move and making a strong promise between the tribes that after today nobody shall be attacked or harmed..

And All shall Work for Peace.. :som: :up:
DarthSomali
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 954
Joined: Thu Mar 15, 2012 1:43 pm
Location: Secession leads to Peace Let us go Seperate Paths

Re: Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of All Somali peop

Post by DarthSomali »

It means he promises Somali people new conflicts and colaad/enmity. :down:
LightAtNight
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1221
Joined: Mon Aug 26, 2013 3:43 pm

Re: Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of the Somali peop

Post by LightAtNight »

We need an intelligent population or all these resources are worthless, we might as well not have them because we are not going to utilize them. But hope for the best, am an optimist.
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Re: Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of All Somali peop

Post by Somali-Transporter »

Make no Mistake somalis are very intelligent people and have proven that in the past and will proof that in the near future.. the problem is that they are patriotic people, and will not accept any kind of injustice and when the civil wars came, they used there patriotism against each other and it turned into bad blood..

But i have no doubt in my mind that the somali people are very intelligent ppl.. we just can't live in the past for like eternity..
Last edited by Somali-Transporter on Thu Dec 12, 2013 5:46 pm, edited 1 time in total.
LightAtNight
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1221
Joined: Mon Aug 26, 2013 3:43 pm

Re: Pr. Hasan. Sh: ''I promise the safety of All Somali peop

Post by LightAtNight »

I agree, people should just let go of the past and fukcing move on
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”