Page 1 of 1

Maalin madow o halis wajahday jiritaanka iyo magaca Somali

Posted: Fri Dec 13, 2013 7:57 pm
by Rabshoole
Wariye caana oo ka tirsan Idaacadda VOA oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damul Jadiid iyo R/Wasaaraha cusub.

Image

Wariye Abdullahi Nur Kolombo ayaa khamiistii shalay ku tilmaamay maalin madoow oo halis wajahday jiritaanka iyo magaca umadda Soomaaliyeed.

Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia yahay nin qabyaalad iyo hanti boob ku caanbaxay sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo.
Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si uu dhibaatada Somalia u sii fogeeyo u habar wacdey Ra,iisalwasaare Dam jadiid ah ,oo qabyaaladna ay biyo dhigatay Inta Xasan Shiikh iyo Dam Jadiid ay Somalia hogaamiyeyaal u yahiin Somalia cadaabteedii aduunka ayey ku qaadaneysaa

Inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somalia ka taagan waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Dam jadiid

Waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa sidii cadowgaas aadka u xun ee Dam jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankeyga aan jeclahay ee Somalia
Shacbiga Somaliyeedow mudo dheer baad hurdo ku jirteen waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen masiirkiinana aad ka tashan laheydeen

kooxda yar ee dam jadiidr intey qol isku soo xiraan ayey shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra,iisal wasare ,tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan dam jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan

Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra,iisal wasaaraha cusub si Somalia ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’isulwasaaraha cusub ninka uu Xasan shiikh u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984 qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.

Ninka nuucaasa miyaa maanta Somali hogaamin kara? Jawaabta waa maya,
ku soo hagaaji waxii aragtidaada ah

Re: Maalin madow o halis wajahday jiritaanka iyo magaca Soma

Posted: Fri Dec 13, 2013 8:42 pm
by HusseinHassan
is it just me or does he look like a hybrid of hassan sheekh and farmaajo? :lol:

Re: Maalin madow o halis wajahday jiritaanka iyo magaca Soma

Posted: Fri Dec 13, 2013 9:44 pm
by guhad122
I don't like what I am hearing about this dude so far in terms of his past dealings with public during the Siyad Barre regime. Being very close to the Siyad Barre family, I heard he was free to do whatever he wants. I was just told today that he confiscated a brand new land-cruiser from my brother-in-law because he was suspected of being SPM member. My brother-in-law was at that time a businessman but served in the arms few years prior to that. May be he is changed man, I hope!!!

Re: Maalin madow o halis wajahday jiritaanka iyo magaca Soma

Posted: Sat Dec 14, 2013 11:53 am
by Rabshoole
^ I agree, its too early to make prejudgement jabs based on his past, besides most Somali politicians have a shifty past anyways, horta Abdullahi Nur Kolombo soo ma'ahaa Murusade ?

Re: Maalin madow o halis wajahday jiritaanka iyo magaca Soma

Posted: Sat Dec 14, 2013 1:35 pm
by AbdiWahab252
DamJadiid has many enemies.