
http://www.gabiley.net/files/images/20131214042141.jpg
Alleybadey(GNS)-Dhismaha jidka u dhexeeya Degmada Alleybadey iyo Magaala Madaxda Somaliland ee Hargeysa islamarkaana, uu dhawaan dhagax dhigey Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), kadib markii uu dhawaan booqdey halkaasi ayaa shalay wajigii bilowgeeda ee hore ee si rasmi ah loo bilaabay iyadoo munaasibad loo qabtey bilowga dhismaha jidkan, xidhiidhinaya Degmada Alleybadey iyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Degmada Alleybadey, Gudida dhismaha wadada,Salaadiinta duqeyda iyo waxgaradka Degmada Alleybadey, waxa goob jog ka ahaa, Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi(Cali-case),Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale,Dr Maxamed Aw Daahir,Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Gabiley C/risaaq Sheekh Aadan, Odey Mooge Cali Yuusuf,Maxamed Sheekh C/laahi Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Dib udhiska Wadadaasi,Mukhtaar Teysa,Gudoomiyaha Gudida dhismah wadada duqey odoyaal, iyo dadweyne kale.
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa Sheegay in ay durtadiiba Maamul ahaan bilaabeen shan Km ee ugu horeeyay ee Dhismahan jidkan islamarkaana, waxa uu Gudoomiyaha Degmada Alleybadey ka Hadley in ay wadadani aheyd mid dhibaato weyn ku haysey Gaadiidka khudaarta ka gura Degmada Alleybadey, iyo waliba Gaadiidka Xoolaha ka qaada Aleybadey, kuwaas oo dhamaantood qeyb ka ah Waxsoosaarka iyo dhaqaalaha ay ku tiirsan tahey Degmada Alleybadey, waxa kale oo Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise carabka ku dhuftey in ay mudo sadex maalmood ah ku dhameys tireen Qiyaastii shantii Km ee u horeeyay ee bilowga dhismaha jidkan, sidoo kalena waxa uu hoosta ka xariiqey in aaney u yareysan doonin mudada uu socdo dhismaha jidani maamul ahaan oo ay guntiga dhiisha iskaga dhigi doonaan habeen iyo maalina ka shaqeyn doonaan, waxaanu tilmaan ka bixiyey sida ay uga shaqeeyaan xuduudka Beeraha soo galey jidka oo ay beeraleyda dhamaantood ku war galiyeen in ay wadada dib uga baxaan inta kasoo gashey beerahooda, taas oo sida uu sheegay ay beeraleyda hareeraha jidkani dhamaantood u hogaansameen amarka maamulka, Gabagabadiina waxa uu Gudoomiyaha Degmada Alleybadey xusey in ay ugu baaqayaan dhamaan qurba jooga kasoo jeeda Deegaanka Degmada Alleybadey in ay ka qeyb qaataan dhismaha jidkan oo dadka Reer Alleybadey ka go,an in ay si dhakhso u dhameeyaan maadaama Degmada Alleybadey ka go, an tahey dalka intiisa kale, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay todobaadkan u dambeeyay la xidhiidheen dhamaanba qurba jooga kasoo jeeda Alleybadey intooda badan.
Waxa kale oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley, Cali Cabdi C/laahi(Cali-case), oo sheegay ka maamul ahaan in ay Gobolka Gabiley iyo Degmooyinkiisa ugu baaqi doonaan in ay ka qeyb qaataan dhismaha jidkan.
Waxa kale oo isaguna halkaa ka Hadley Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale oo isaguna ugu baaqey dhamaanba bulshada Reer Somaliland in ay ka qeyb qaataan dhismaha jidkan, isagoo dhinaca kalena baaqan sigaar ah ugu gudbiyey dadweynaha reer Aleybadey gudo iyo dibadba iyo guud ahaanba Gobolka Gabiley, shacbi iyo Dowladba in laga wada qeyb qaato, Waxaanu Suldaanku faafahin ka bixiyay Waxtarka jidkani u leeyahey dalka iyadoo Degmada Alleybadey khudaar badan sanad walba laga geeyo suuqyada dalka Somaliland gaar ahaana Magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco,Berbera iyo Gabileyba, waxaanu Suldaanku gabagabadii hadalkiisa u mahad celiyay Maamulka Degmada Alleybadey.
Waxa kale o isaguna halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Gudida Dhismaha jidkan oo ka waramey ololaha ay qaadeen xiligan, halka ay marinayaan qorshayaasha qaadhaanada iyo rajada ay qabaan, isagoo u mahad celiyay maamulka Degmada iyo sida ay ugu guntadeen wajigii hore ee dhismaha.
Waxa kale oo munaasibadan bilowga dhismaha jidkan ka Hadley, Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada ee Dhismaha jidkan Maxamed Sheekh C/laahi oo sheegay doorka dhalinyarada ay kaga qeyb qaadaneyso iyo sida loogu baahan yahey, iyo sida loogu baahan yahey in ay dhismaha jidkan ku yeeshaan kaalin muuqata dhamaanba dhalinyarada ku abtirsata Magaca dhalinyarada Degmada Alleybadey meel kasta oo ay joogaanba, isagoo sheegay in ay rajo fiican ka filayaan.
Waxa kale oo munaasibadan ka Hadley Dr Maxamed Aw Daahir oo kamid ah Siyaasiyiinta magaca ku leh Deegaanka Degmada Alleybadey oo isaguna sheegay in loo baahan yahey lagu wada baraarugo oo meel looga soo wada jeesto dhamaanba beeraley iyo xoolo dhaqataba miyi iyo Magaalaba.
Gabagabadii dhismaha jidkan Degmada Alleybadey ayaa u muuqda mid lagu waajahay olole balaadhan oo ay hurmuud ka yihiin Maamulka Degmadu taas, oo baaqyo badan laga jeediyay Munaasibadan islamarkaana, dhawaan la filayo in si dhakhso ah looga hirgaliyo wajiyada hore dhisme muuqda oo wax ka tari doona dhibaatada wado la,aantu ku haysay Degmada Alleybadey dhinaca Xukuumadana laga filayo in ay kaga qeyb qaadato kaalinteeda.