
VOA Veteran Reporter Urges Somalis To Rise Up Against Qoslaye & His Damu Jadiid Political Party.



Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somaliya u sii fogeeyo u habar wacday Ra’iisalwasaare Damu jadiid ah, oo qabyaaladna ay biyo dhigatay
Inta Xasan Garguurte iyo Damu Jadiid ay Somaliya hogaamiyeyaal u yahiin, Somaliya cadaabteedii aduunka, ayay ku qaadaneysaa
Inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somaliya ka taagan, waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Damu jadiid
Waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa, sidii cadowgaas aadka u xun ee Damu jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankayga aan jeclahay ee Somaliya
Shacbiga Somaliyeedow muddo dheer baad hurdo ku jirteen, waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen, masiirkiinana aad ka tashan laheydeen
Kooxda yar ee Dam Jadiid intey qol isku soo xiraan, ayay shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasare, tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo
Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan Damu Jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan
Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somaliya ay uga badbaado halis ku soo fool leh.
Ra’iisulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984-kii qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.
By Abdullahi Nur Kolombo