New Army is ready for ayatollah Xaad iyo ahmedindiiriye

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

New Army is ready for ayatollah Xaad iyo ahmedindiiriye

Post by Somali-Transporter »

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo tababar ugu soo xiray dalka Uganda ciidamo ka tirsan kuwa X.D.S

Image

sniin, December 16, 2013 (HOL) - Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa kaga qaybgalay dalka Uganda xaflad lagu soo afmeerayay tababar mudo dheer uga socday Uganda ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya kuwaasoo tababarkooda ay maalgalisay midowga Yurub.

Xaflada oo ay ka qaybgaleen saraakiil ka socota midowga Yurub, saraakiil ka tirsan ciidanka Uganda iyo waliba abaanduulaha ciidanka X.D.S ayaa ahayd tababarkii ugu dambeeyay ee ciidamada Soomaaliya loogu samaynayay dalka Uganda taasoo midowga Yurub ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay qorshaha lagu xasilanayo Soomaaliya.

General C/risaaq Khaliif Cilmi oo tababarka soo xiray ayaa jeediyay khudbad isugu jirtay guubaabo iyo waano isagoo u sheegay ciidanka tababarka dhammaystay inay haatan u diyaar garoobaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran qaranka.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay in hogaanka siyaasada ee Soomaaliya iyo taliska ciidankuba ay muhiimad siinayaan sidii loo dhisi lahaa ciidamada milatariga ee Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamay inay tahay himilo qaran.

Image

“Markii hore waxaad ahaydeen dagaalyahanno, laakiin haatan waxaad ku darsateen khibrad iyo aqoon waxaanad noqoteen ciidamo qaran oo leh xirfad sarraysa” ayuu ku yiri khudbadiisa uu u jeedinayay ciidanka.

“Waxaad haatan dib ugu laabaynaysaan dalkiina si aad uga qaybqaadataan difaaca shacabka iyo xoraynta goobaha uu cadowgu shacabka ku dhibaataynayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Gudoomiyaha gudiga ciidamada milatariga ee midowga Yurub General Patrick DE ROUSIERS, madaxa tababarrada ciidamada midowga Yurub Brigadier General Gerald AHERNE iyo taliyaha ciidamada milatariga ee dalka Uganda Gen. David MUHOOZI oo iyaguna goob joog ka ahaa kulankaasi ciidanka Soomaaliya tababarka loogu soo xirayay ayaa bogaadiyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay dhisato ciidamo qaran oo xoog leh.

“Dhammaanba 28-ka wadan ee xubnaha ka ah midowga Yurub waxay ku faraxsanyihiin in la mataaneeyo xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub kaasoo diirada lagu saarayo sidii loo heli lahaa ciidamo khibrad sare leh oo ka hawlgala dhammaanba gobollada Soomaaliya” ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga ciidamada milatariga ee midowga Yurub General Patrick DE ROUSIERS oo halkaas hadal ka jeediyay.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo gaarayay 138 ayaa kala qaatay takhasusyo kala duwan oo cilmiga Milatariga ku saabsan iyadoo isku darka ciidanka lagu tababaray dalka Uganda uu gaarayo 3,600 tan iyo markii uu bilowday hawlgalka AMISOM, kuwaasoo intooda badan haatan ka hawlgala dalka gudihiisa.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: New Army is ready for ayatollah Xaad iyo ahmedindiiriye

Post by original dervish »

You gotta be kidding.....their salaries will be stolen...their equipment sold within months. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”