Soon to be official Prime Minister condemn attack on doctors

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

Soon to be official Prime Minister condemn attack on doctors

Post by BuuloXubeey »

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii loogu geystay duleedka Muqdisho dhakhaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaasoo ka howlgeli jiray Isbitaalka Fiqi oo ku yaalla deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan-darro ah oo laguna qal-qal-galinayo amniga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kuwii ka dambeeyay sharciga la horkeeno.

“Falkaas waa mid laga argagaxo oo islaamnimada iyo bani’aadamnimada aan raad ku lahayn, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhakhaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka halkan u yimid inay ka caawiyaan Soomaalida dhinaca caafimaadka, waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qoysaskii ay ka baxeen dhakhaatiirtaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Saacid ayaa tacsi taa la mid ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ku geeriyooday xalay magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo imaanna ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka KMG ahaa ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti sannadkii 2009-kii, iyagoo muddo xanuun uu ku yahay magaalada Muqdisho, ugu dambeynna xalay u geeriyooday.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu soo saaro, iyadoo lagu wado inuu Sabtida hortago baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”