Is it just a coincidence then that that same year, Galmudug celebrated the July 1st Somalia Independence Day anniversary with a 6-side Star of David version of the Somalia flag?
http://www.galmudugnews.com/2011/07/05/ ... li-xuseen/
Galmudugnews.com – Magacyada 26ka juun iyo 1da luulyo marka ay dheguhu maqlaan, waxaa markiiba la dareemaa farxaad iyo reyn reyn taariikh ahaan dib kuugu sii tilmaamaya xumaanta iyo cadaawadda uu leeyahay gumeysiga saan caddaalaha ah.
Munaasabadda maalinta xorriyadda waxey ku xusuusaneysaa halgamayaashii dalka dhiigooda u soo huray mid dhintay iyo mid noolba iyo goobihii lagu bahdilay magaca soomaaliyeed, sida ” keli asayle iyo lafoole, taalla cad iyo qaar kaloo badan!”.
Aan dib kuu dareensiiyo taariikh murugo laheyd oo ka dhacday gobolka shabeeladda hoose xilli uu gumeysigii talyaaniga halkaasi dadka ku cadaadinayay, maxaa dhacay haddaba?.
Goor galab aheyd ayey laba wiil oo mataana ah da’dooduna lagu sheegay siddeed jirro, laguna kala magacaabayay Xasan iyo Xuseen, ayaga oo cayaaraya mid ka mid ihi ay isku duubtay jibiso isla markiina liqid ku billowday, korneyl talyaani ahaa iyo xaaskiisa ayaa wiilkii oo ay jibisadu sii liqeyso sawir qaadis ku billaabay dhan kastana kaamiro kala maray iyaga oo ku faraxsanaa sida ay wiilka jabisada u liqeyso!.
Odaygii wiilka dhalay oo loo soo sheegay in wiilkiisu ay jabiso liqday ayaa soo cararay, wuxuu arkay wiilkiisii oo ay lugaha kaliya ka soo jeedaan inuu ka gaaro ayuu isku dayay laakin gaalkii sawiranayay, ayaa askar soomaali aheyd oo isaga waardiyeyneysay ku dalbaday, markaasaa odaygii badiil daanka looga jabshay halkaana ku miyir beelay!.
Markii ay jibasadii wiilkii wada dhunjisay intaana sawir un laga qaadayay, ayuu gaalkii bastoolad ku dhuftay jibisadii, deetana soomaalidii cumaalka u aheyd ku yiri “dooxa oo wiilka ka soo saara ka dibna meydka waalidkii siiya” ( dhacdo murugo leh bey aheyd!.)
Hooyo Timiro gaadda weyne oo reer qoryooley aheyd, ayaa ka sheekeysay rafaadkii ay kala kulantay ( keli asayle ) waxey tiri ” Keli asayle soomaali badan baa ku dhamaatay oo dhiiqada la wada laqsiiyay, anigu mar baan la kulmay af duubkii dhiiqada ee dadka keliga lagaga tallaabayay, 14jir baan ahaa xilligaa ilaahna waa iga soo bad baadiyay, waxaase xanuun aheyd marka dumarka waayeelka ah ku kor marayaan, maxaa yeelay waxey kugu la soconayaan kabo taako dheer leh oo ku mudaya iyo dalladoodii oo iyada oo af leh ay kugu la taagsanayaan weliba aan lagaaga naxeyn” ( Dhacdo murugo leh!).
Sababaha kor ku xusan iyo kuwo ka sii daranba, haddii aad tahay waddani dhab ah, waxey mar walba ku farayaan inaad xorriyaddaada ilaashato oo aad wax qabad dhab ah la timaaddo, adiga oo qoriga iska dhigaya qalinkana qaadanaya, sidoo kale qabyaaladda iska dhigaya qarankana quweynaya.
Haddaba sannad guurada 51aad, xusaaska iyo munaasabadaha waa weyn ee dunida dacalladeeda looga sameeyay, waxaad moodda in aynu 2011 helnay xorriyaddeennii, balse waa wax wanaagsan dib u soo baraarugidda farxadeed ee nuucan ah.
Marka aynu xuseyno 1da luulyo, waxaan macallimiin u nahay jiilka soo koraya oo aynu bareyno calan kooda iyo ciiddooda, sidaa darteed fadlan astaanta calanka soomaaliyeed waxaa ugu muhiimsan xiddigta shanta gees leh oo macna weyn ku fadhida, sidaa darteed gef bey noqoneysaa innaga oo maalintaa xuseyna inaan xiddigta lix gees ka dhigno sida ka muuqata toortaha midabka buluuga ah leh ee ay dulsaaran tahay xiddig aan aheyn tii soomaaliyeed!.
Ugu danbeystii waan u hambalyeynayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay u dabbaal degidda maalintii midowga iyo xorriyadda soomaaliyeed, ilaahna waxaan ka baryeynaa sanadkan kiisa kale ineynu ku gaarno soomaali oo gacmaha is wada heysata.. guuuuul.
Qalinkii:-
Bashir. A. Hussein.
Barbaariye@hotmail.com.