According to WFP there is high corruption and theft of food and sacked 3 Somalilanders that worked for WFP, which caused tension between Somaliland and WFP.
HARGEISA (Somalilandsun) - The auditor general office has accused Ministry of planning that over sees the work done by WFP was alerted by the auditor general concerning food stuff that have gone missing in mysterious circumstances.
In a letter of complaint sent to the charity organization pertaining under her nose was forwarded by the Ministry of Planning. In a confidential report the government of Somaliland put forward to the WFP senior official reports prepared about eastern regions food distribution that condemns the WFP senior officials of theft of food during the past 3 years of H.E. Ahmed Mohammed Mahmud
(Silanyo) Presidency.
The report says that WFP was forced to sack three senior officials because of their endemic corruption thence prompting President Silanyo to appoint a committee comprising serving members of the cabinet to investigate the agency. Then committee instructed the auditor general to investigate the agency and thus the report was revealed.
WFP has asked the government to give it two weeks to investigate the claims. WFP coordinator Mr. Yusuf Osman Garaas has issued a circular to the government and donors concerning those who apply for food assistance to follow the right channels in their application for aid.
http://somalilandsun.com/index.php/poli ... corruption
Khilaaf U Dhexeeya Hay’adda WFP Iyo Xafiiska Raashinka U Qaabilsan Somaliland Oo La Sheegay Inuu Meel Xasaasiya Marayo
Khilaaf ka dhex-taagnaa dhawrkii bilood ee u danbeeyey hay’adda WFP iyo xafiiska raashinka u qaabilsan Somaliland ayaa cirka isku sii shareeray.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen xubno u dhuun-daloola khilaafkaasi, ayaa sheegay in shirkii golaha wasiiradda ee u danbeeyey lagu soo qaaday halka uu salka ku hayo khilaafkaas u dhaxeeya WFP iyo xukuumadda iyo waliba qodobada ay isku maan-dhaafsan yihiin labada dhinac, oo u baahan in degdeg wax looga qabto.
Waxaana la sheegay in madaxtooyadu ay wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, hantidhawraha guud Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere) iyo maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Yuusuf Cismaan Garas ay fartay inay kulan degdeg ah la yeeshaan madaxda hay’adda WFP ee Hargeysa ku sugan, kulankaas oo shalay Axadii ka qabsoomay xarunta wasaaradda qorshaynta ee magaaladda Hargeysa, isla markaana xukuumadu ay saraakiisha hay’adda cuntadda aduunka ka socday ay u gudbisay eedo ka dhan ah qaabka WFP u maamusho raashinka ay Somaliland keento.
Kulankaas ayaa sidoo kale la sheegay in Xukuumadda Somaliland ay masuuliyiinta WFP hor-dhigtay warbixino ka dhan ah WFP oo xafiiska xidhiidhka raashinka u qaabilsan Somaliland uu ka soo diyaariyey goboladda barri ee dalka oo hay’adaasi sadexdii sano ee xukuumaddu talada dalka haysay loo leexiyey raashinkii ay keeni jirtay dalka, waxaanu macluumaadkaa la hor dhigay u badnaa wax is-daba-marin lala xidhiidhiyey masuuliyiinta Hay’adda WFP ee Somaliland.
Sidoo kale xiisadan sii xoogaysatay ee u dhaxeysay xukuumadda iyo hay’adda WFP ayaa markii uu soo shaac-baxay sababay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u saaro guddi wasiiro ah si ay ugu kuurgalaan halka uu salka ku hayo khilaafkaasi, isla markaana guddidaas ayaa hawl gelisay Hanti-dhawrka qaranka, kaas oo baadhitaano ku sameeyey maareeyaha hadda ee xafiiska xidhiidhka raashinka Mr Garas uu la xidhiidhiyey masuuliyiintii xilka uga horaysay isaga iyo hay’adda WFP.
Sidoo kale murankan u dhexeeya hay’adda qaranka Somaliland u qaabilsan raashinka iyo barnaamijka cuntada aduunka ee WFP ayaa sida la sheegay ka bilaabmay warqad uu maareeyaha hay’addaas Yuusuf Cismaan Garas u diray WFP markii la magacaabay waxyar ka dib, taas oo uu kaga dalbaday inay wada-galaan heshiis wada-shaqayneed oo ay ku macaamilaan xukuumadda iyo hay’addaasi, taas oo ay ku gacan-saydhay hay’adda WFP oo tan iyo markii uu dhacay khilaafkaasi aan wax hakad ahi ku imanin mashaariicdii ay ka hirgalin jirtay dalka.
Dhinaca kale qodobada ay xukuumadda Somaliland ka dalbatay hay’adda WFP ee muranka dhaliyey ayaa sida Haatuf loo xaqiijiyey waxa ka mid ah in la cadeeyo oo la qeexo masuuliyada ama nidaamka maamul ee mashaariicdda WFP ay qabanayso, in la kaantaroolo bixi-taankii, qaybinta raashinkaas, in xukuumada laga talo-galiyo wakhtiga Raashinka la keenayo dalka, in xiliga raashinka ay keenayso WFP laga leexiyo wakhtiga beeralayda Somaliland ee uu midhaha kala duwan ee ay beertaan ay soo go’aan oo inta badan ku soo beeganta si aan loo curyaamin wax soo saarka dalka.