Wararka ka imaanaaya Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in Ciidan Ajnabi ah, oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, in ay dhegxaan uruurin ka wadaan deegaanka Buur Eyle.
Ciidanka Amisom oo muddo toddobaad laga jooggo fariisimo ka sameystay deegaanka Buur Eyle, ayaa waxay iyaga iyo Ciidan kaloo Cadaan ah, ay ka daabulayaan dhegxaantaan.
Deegaanka Buur Eyle, waxay qiyaastii 50km u jirtaa Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, waxayna ku dhow dahay Garoonkii Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee Balli-doogle.
Ibraahim Muuse Muudeey, oo kamid ah shacabka ku dhaqan deegaanka Buur Eyle, ayaa sheegay in Ciidamada Amisom iyo Ciidanka kale ee wehlinaaya, ay si xoogan dhegxaanta uga daabulayaan deegaankaasi.
Ibraahim Muuse Muudeey, ayaa sidoo kale sheegay in ay dhegxaanta ku daabulayaan gawaarida nooca xamuulka. Wuxuunta intaa raaciyay in dhegxaantaan ay dhex ceecaagayaan kheyraad, sida uu yiri.
Ninkaan, ayaa waxa uu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dareen u lahaato, dhegxaanta laga daabulaayo deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay.
http://universalsomalitv.com/infusions/ ... -buur-eyle

Where is the SFG and natural resource minister ?? This Reminds me when UNISOM back in the 90's destroyed entire hills in Bay and Hiiraan with missiles and collected shiploads of sand from SH/hoose. Gaalada wali ma quusan. General Caydiid Kulmiye Garaad, wallee waa laguu darsaday
