IGAD leaders meet in Nairobi -pics

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

IGAD leaders meet in Nairobi -pics

Post by XimanJaale »

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qayb-galay shirkii madaxeedka dalalka IGAD ay Nairobi ku yeesheen maanta kaasoo looga hadlayay xaaladda dalka Koonfurta Sudan ayaa dalalka IGAD ugu baaqay inay juhdi ku bixiyaan sidii loo xalin lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamarian Deselegn, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalka Suudaan, Bakri Xasan Saalex iyo wasiirka arrimaha dibedda South Sudan.

Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay booqashadii wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba ee dalka Koonfruta Sudan 19-kii - 21-kii December 2013. Iyagoo kulammo lasoo yeeshay madaxda dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhonom oo ku hadlayay magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Xukuumadda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ogolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay shirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafa-xaytaan sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa colaadaha ka jira Koonfurta Suudaan.

"Waa inaan muujinnaa dadaal kasta oo aan u joojinayno dhiigga daadanaya, isla markaana aanu dhex-dhexaadin lahayn kooxaha dowladda kasoo hor-jeeda si nabad iyo amni looga dhaliyo Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo intaa ku daray ayuu yiri: “Soomaaliya 22-sano oo colaado iyo rabshado ah ayay soo aragnay, sidaas daraadeed waxaan ka digeynaa in collaadaha ka billowday Koonfurta Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa; bacdamaa ay haysato sharciyadii dalka. diyaar bay Soomaaliya u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa'iidayso Koonfurta Sudan.”

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa 12 maalmood ee lasoo dhaafay ka socday dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof oo shacab iyo ciidammo ah, iyadoo madaxda IGAD ay ku baaqeen in dagaalladaas si shuruud la’aan ah loo joojiyo lana bilaabo wadahadal muddo toban maalmood gudahood ah.
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”