What is wrong with the Somaliland administration how can they allow the people of the town suffer from water shortages? They should do something about this immediately. Before things get worse.
Hargeysa[RBC Radio]Xiisada ka jirta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa sii xoogeysanaysa,waxaana guud ahaanba xaafadda magaalada ku fidey dibadbaaxa ay dhigayaan shacabka Hargeysa oo ka cabanaya biyo la’aan.
Banaanbaxa ay dhigayaan shacabka Hargeysa ayaa la sheegay inay dhex galeen booliska kuwaaso inta badan rasaas ku kala eryaya dadka isku soo baxa dhigaya.
Sidoo kale wararka ay helayso Raxanreeb Online ayaa sheegaya in uu xaafada oktoobar ku dhintay hal ruux oo ay heleeshay rasaasta ay boolisku ridayaan.
Dad goob-joogayal ah ayaa sidoo kale inuu xaqiijiyey in xaafadaha siinaay, oktoobar, Maxamed Mooge iyo Calaamadaha Ka dhacaysa rasaas si weyn guud ahaanba xaafaddaha looga maqlayo,waxaana rasaasta ridaya booliiska.
Dadka shacabka ah ayaa iyagu gubaya taayaro,waxaana ay xireen inta badan jidadkii dhex qaadi jiray Hargeysa.
Si kastaba majiraan ilaa saakay wax xal ah oo laga gaaray dibadbaxa ka dhacaya xaafaddaha Hargeysa,waxaana jirta saacadba saacada ka danbeysa inay sii fidayaan banaanbaxyadu.




