Axmed Cabdi Godane oo ah ninkii dhakray ee fashiliyey jihaadkii soomaaliya iyo saxwadii islaamiga aheyd ee ka curatay dalka soomaaliya,ayaa xiliyadii ugu danbeeysay waxa isa soo tarayey fashalka iyo dhagartiisii oo bananka usoo baxeeysay.
Kalmadaan uu leeyahay Godane oo la jeediyey muddo dhoor iyo toban sano kasoo wareegatay ayaa waxa uu kaga sheekeeynaya in ay jiraan xarakaat islaami ah oo sheganaya in ay ka shaqeeynayaan camalka islaamka balse loo aasaasay in ay lugta qabtaaan camalka islaamka sida in ay fashiliyaan in la hirgaliyo ku dhaqanka shareecada islaamka.
In la suuraad xumeeyo camalkii oo shacabka muslimka ah loo tusiyo in camalkaani uu xambaarsanyahay halaag iyo culeys oo an la xamili karin .
Godane ayaa cadeeyey in ay jiraan xarakaatka islaami sheeganaya,xaqiijinayana danaha gaalada iyaga oo qaarkood si toos ah ugu shaqeeyaan,halka qaar kalana ay u shaqeeynayaan gaalada iyaga oo an is ogeyn.
Godane ayaa tilmaamaya in kooxaha umadda islaamka fashilkooda loo soo diray ay leeyihiin calaamado badan o ay ka mid tahay in ay gaaleeysiiyaan ama ay dilaan cid waliba oo ku khilaafta ijtihaadkooda ama fakarkooda,waana dhaqankii uu asaga uu ku laayey culimo badan.,sidoo kale waxa uu ka hadlay in calamadahooda ay ka mid tahay in kalamadda ay ka leexiyaan macnaheeda si umaddu ay u lumiyaan.
Godane ayaa horay uga been abuurtay aayado iyo axaadis badan macnahooda sii uu ugu xadgudbo madax ka tirsaneyn mujaahidiintii Soomaaliya.
Waxa sidoo kale lagu been abuurtay madax ka tirsan mujaahidinta Soomaliya, waxaana laga sheegay waxyaalo an u cuntamin qof muslim ah in laga sheego si loo dhumiyo mujaahidiinta mukhlisiinta ah.
Calaamadaha uu ku sheegay Godane kooxaha khilaafay manhajkii Rasuulka SCW waxa ka mid ah, in ay hor-istaagaan Ducaada oo ay u diidaan in ay dacwada gaarsiiyaan shacabka,Godana ayaa sheegay in xarakaatka inxiraafka agtooda an laga jecleyn culimada,waxa ayna ka necebyihiin dadka mukhaadaradka isticmaala ayuu raaciyey hadalkiisa.
Godane oo an is ogeyn in uu jeediyey muxadaraad noocan oo kala ah ayaa tilmamaya dariiqiisa iyo dhagarta shacabka muslimka ah ee soomaliyeed uu u dhigay.
Muxaadaradan oo aheyd mid musalsal ah oo kaga hadlaya taariikhda salafiyah jadiidah ayaan kasoo qaadanay qeyb ka mid ah.
PS for those who want know where i got it from @harunmaruf on twitter


