Hadda waxaa xilkaasi si kumeel gaar ah u sii haya Marwo Fowziya Yuusuf oo shaqaalihii xafiiska kala shaqeynayay maalin dhoweyd u sheegtay inay iscafiyaan oo aanay soo laabanaynin.
Masuulkan la sheegay in loo magacaabayo xilka Ra’isulwasare ku xigeenka cusub Yusuf Ibrahim Kaahin {Yusuf Dheeg} Isaaq Ciidagale iyadoo ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Warqaad in galabta uu Muqdisho yimid isla markaana ay keeneen saraakiil caan ah.
Ilaha la hadlay Wakaaladda Wararka ee Warqaad ayaa sheegay in Yuusuf Dheeg Muqdisho uu keenay Jaamac Maxamed Qaalib isla markaana loo magacaabayo xilka ay hadda heyso Marow Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam.
Xog ay heshay Warqaad ayaa muujinaysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku cadaadinayo weli wasiirro uu isaga ku gowrac Ra’iisul wasaaraha cusub inuu soo magacaabo.
So all the propagandas that Fowsiya was close to the President was not true at all?
