Muwaadiniin Ay Dowladdu Ka Keentay Dalka Koonfur Suudaan
Posted: Thu Jan 09, 2014 12:49 pm
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta gobolladii ay ka yimaadeen u ambobixisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhawaan Dowladda diyaarad ay u dirtay ka keentay magaalada Juba ee dalka Suudaanta koofureed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniintii dhawaan ay dowladda ka soo daabushay dalka Koonfur Suudaan loo diray gobolladii ay kal hore ka tegeen, isagoo xusay in ay jiraan tiro dad kale oo loo amba bixin doono gobollada ay ka soo jeedaan.
“Ilaa iyo 10 qof ayaan saakay u amba bixinay magaalada Hargeysa ee gobollada Waqooyi ee dalka, kuwaasi waxa ay ka mid ahaayeen tiro dad ah oo dhawaan ay dowalddu ka soo qaaday dalka Koonfur Suudaan, markii Muqdisho la keenay inta aan ahayn dadka reer Muqdisho Hotel ayaan dejinay, kuwa aan saakay diyaaradda saarnay ee aan u amba bixinay Hargeysa waa weji koowaad, waxaana qorsheynaynaa in inta kale ee hartay aan u dirno gobollada ay ka yimaadeen” ayuu Agaasimuhu hadalkiisa ku daray.
Qorshaha ay Wasaaradda arrimaha gudaha ay maanta sameysay ayaa ah talloobin dhiiri gelineysa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay dowladdu ka soo daabushay dalka ay dagaalladu ka socdaan ee Koonfur Suudaan, kuwaasi oo marka ay Muqdisho soo gaaraan loo sameeyo dib-u-dejin iyo in loo amba bixiyo gobolladii ay kal hore ka tegeen.
Radio Muqdisho.