

Xog: Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu eedeeyey inuu isaga ka danbeeyo motionka baarlamaanka yaala.
Wararka laga helayo xildhibaanada wada motionka laga keenay wasiiradii hore ee ka tirsanaa xukuumaddii Saacid Farax inaysan ka mid noqon karin xukuumadan kale ee cusub.
Qaar ka mid ah xildhibaanadii horey u waday motionkii uu ku baxay Saacid Farax iyo kuwiii kasoo horjeeday motion kaasi ayaa hadda si wada jir ah u wado motion meesha looga saarayo rajada wasiiro saaxiibow dhaw la’ah Madaxweyne Xasan Shiikh kuwaasi oo rabay inay soo noqdaan.
Xildhibaan ka tirsan kuwa motion ka wada oo codsaday in aanan magaciisa ammaan ahaan shaacin karin ayaa sheegay in motionka ay baarlamaanka keenen inuu ka danbeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo saaxiibadiis boos u waayey balse raba inuu ku quusiyo go’aanka baarlamaanka kasoo baxo.
” Madaxweynaha ayaa motionka laga keenay wasiiradii hore wax ka wada, waxaana uu doonayaa saaxiibadiis uu ku qancin waayey inaysan boos wasiirnimo kusoo celin karin balse ay maqli waayeen ayuu bilaabay baarlamaanka inay go’aankaasi soo saaraan si ay ku qancaan” ayuu yiri Xildhibaankan ka mid ah kuwa shalay motionka keenay.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay xildhibaankan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uusan ka dhaceynw ax khilaaf ah balse uu ka dhexeeyo khilaafka Madaxweynaha iyo saaxiibadiis oo raba inay xukuumadda cusub isku dhex arkaan.
” Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha khilaaf buuran uma dhexeeyo ee madaxweynaha iyo wasiiro xukuumaddii ay ku jireen horey wax uga riday oo raba in mar kale xukun helaan ayuu khilaafka u dhexeeyaa.” ayuuy iri Xildhibaanka.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta waxaa heysta siyaasad midii ugu xumeyd waxaase uu ciyaarayaa door laba afle ah oo uu saaxiibadiisna raba inuu ku qanciyo, sidoo kalana Ra’iisul wasaaraha aysan isaga hor’imaan.
Xogtan uu banaanka keenay xildhibaankan motion wax ka waday ayaan la ogeyn waxa uu ka dhex dhallin doono madaxweynaha iyo siyaasiyiintii laf dhabarka u ahaa siyaasadiisa xisbiga ku dhisan ee sanadka iyo dhowrka bilood shaqeyneysay.
http://kismaayo24.net/?p=87643