Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtadiisi u horeysey ku magacaabey Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, waxaana uu xilkaas u magacaabey Dr Deeq Suleymaan Yusuf waa kuma.
Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada waa Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada, waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London. Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK. Dr Deeq Suleymaan Yusuf wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo ka mid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsanaa Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.
Dr Deeq Suleymaan Yusuf wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska, isagoo ka soo qabtay Xilal ay ka mid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer. Dr. Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu ahaa Raisulwasaraha Soomaaliya Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.
Qaar kamid ah Aqoonyahanka Puntland ee ku sugan Garowe caasimadda Puntland ayaa ku tilmaamey magacaabida Dr.Deeq mid muujineysa isbedelka Madaxweynuhu muuqdo, mar haddii uu wareegtadiisi u horeysey ku magacaabey aqoonyahan ka soo jeeda deegaanada SSC, weliba u magacaabey xil sare oo ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
