Dowlad Ku sheega hit by another khilaaf

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Dowlad Ku sheega hit by another khilaaf

Post by AhlulbaytSoldier »

Wararkii ugu dambeeyay Is mari-waaga ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada


Is mari waa adag ayaa ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada, iyadoo saacado ay dib ugu dhaceen xafladii la filayay in galabta lagaga dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada,

Warar laga helayo Madaxtooyada oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha kulan albaabada u xirnaa oo saacado badan qaatay uu dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in la isku haayo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo gadaal looga soo daray, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha uu diidan yahay xubno uu Madaxweynaha wato.

Inkastoo goor sii horeysay Ra'iisul Wasaaruhu la kulmay xubnaha magaacaban ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa uu kulankan ahaa mid uu wareysi la yeelanayay, isla markaana is weydaarsanayay talooyin la xiriira shaqada.

Hase ahaatee kulankaas oo la filayay in marka uu soo dhamaado in Xaflada la isugu yimaado ayaa waxaa kulan albaabada u xirnaa u bilowday Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Laakiin goor dhoweyd ayaa la sheegay in Ra'iisul Wasaaraha C/wali Sheekh Axmed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha, waxaana uu haatan kula kula leeyahay Xarunta Villa Hargeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari.
Xildhibaano, siyaasiyiin iyo wariyeyaal ayaa ku sugan xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo sugaya magacaabista, waxaana xaalka magacaabista Golaha Wasiirada u muuqdaa mid mugdi ku jira, oo ay wali la isku mari la'yahay.

Mid ka mid ah wariyeyaasha ku sugan gudaha Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in xaalada aad u cakiran tahay, isla markaana dadka ku sugan hoolka xaflada ka dhaceyso ay taagan yihiin jactad, maadaama ay saacado dib uga dhacday ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada.

Xarunta Madaxtooyada ayaa ushii kor loo tuura aysan dhul dhaceyn, waxaana aad looga hadal hayaa is mari waaga ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada iyo dib u dhaca ku yimid saacadihii la filayay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.




The Amisom guarded socalled Govt cannot even agree on ministers so how do they want to govern the country?
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Dowlad Ku sheega hit by another khilaaf

Post by original dervish »

Errrm.....maybe they're not interested in governing.....just lining their pockets.
Just a thought.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Dowlad Ku sheega hit by another khilaaf

Post by AhlulbaytSoldier »

This post was made by original dervish who is currently on your ignore list. Display this post.
Go away monkey
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”