http://radiomuqdisho.net/ciidamada-ethi ... -baydhabo/Ciidamada dowladda Ethiopia oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalkeenna ayaa maanta lagu wareejiyay amaanka magaalada Baydhabo oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Dalalka Uganda iyo Burundi.
C/casiis Maxamuud Guuleed Afriko oo ah wariye ka tirsan Radio Muqdisho oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaa soo sheegaya in maanta magaaladaasi laga dareemay isbedel, kadib markii ciidamada Ethiopia ay si buuxda amaanka magaaladaasi ugala wareegeen ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi oo iyagu gacanta ku hayay amaanka magaaladaasi.
Ciidamadi Uganda ee ku sugnaa magaalada Beldhabo oo wata dabaabaadkooda dagaalka ayaa saaka la arkayay iyagoo magaaladaasi uga sii baxaya dhanka magaalada Buurhakaba, inkastoo ciidamada Burundi aysan ka bixin magaaladaasi.
Ammaanka magaalada Beydhabo iyo nawaaxigeeda waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Ethiopia waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku sugan cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xaqiijinaya amaanka garoonkaasi.
Taliyaha ciidamada XDS ee aagga Beydhabo Ibraahin Yaroow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen ammaanka garoonka iyo goobo kale oo muhiim ah iyagoo gacan ka helaya ciidamada Ethiopia.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan dowlada Ethiopia ay ciidamadeeda ku biirisay ciidamada AMISOM oo howlaha nabad ilaalinta ah u jooga dalkeena Soomaaliya.
I wonder why?
