Page 1 of 1

Sierra Leonean Troops to Kismayo, KDF to Gedo

Posted: Sat Feb 01, 2014 5:17 am
by GeoSeven
Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM oo ka baxaya Kismaayo

Sabti, Feberaayo 01, 2014 (HOL) — Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la xaqiijiyay inay ka baxaan magaalada Kismaayo ee xarunt gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay 2012 ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

Col. Willy Wesonga oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamadoodu ka bixi doonaan Kismaayo laguna bedeli doono kuwa ka socda dalka Sierra Leone, ciidamadana Kenyana ay ka howgelayaan gobolka Gedo.

“Tiro kooban oo ciidamada Kenya ah ayaa sii joogi doona Kismaayo,” ayuu yiri Col. Wesonga, iyadoo hadalkan uu imaanayo kaddib dibadbaxyo ay ka dhigeen Kismaayo boqolaal qof oo kasoo horjeeday ka bixitaanka ciidanka Kenya ay ka baxayaan Kismaayo.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen inay ka bixi doonaan magaalada Kismaayo, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maalmo ka hor ay ciidamada Itoobiya si rasmi ah ugu biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Kenya oo hadda qayb ka ah AMISOM ayaa waxay si iskood ah ku soo galeen Somalia dhammaadkii sannadkii 2011, xilligaasoo ay sheegeen in ay la dagaalamayaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal amni-darro oo ka dhacay gudaha Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore dalbatay in ciidamada Kenya laga bedelo magaalada Kismaayo lana geeyo ciidammo isku dhaf ah oo ka socda AMSIOM; iyadoo xilligaas lagu eedeeyay ciidamada Kenya inay taageereen mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyo ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo muhiim ah ayaa waxaa muddo sannado ah gacanta ku hayay Xarakada Al-shabaab, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo is-garabsanaya ay ka saareen sannad ka hor.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Only a token KDF force will remain in Kismayo.
The Somali government wanted an impartial multinational peacekeeping force in Kismayo, looks like it's happening.

Re: Sierra Leonean Troops to Kismayo, KDF to Gedo

Posted: Sat Feb 01, 2014 5:45 am
by anzeloti
Raskibaki are in trouble now :lol:


:som:

Re: Sierra Leonean Troops to Kismayo, KDF to Gedo

Posted: Sat Feb 01, 2014 7:36 am
by sahal80
This news have been posted yesterday by hydro. better to check the original source english VOA.


"Only a token KDF force will remain in Kismayo." Less then 20O/170

The replacement will take place in june next summer.

Re: Sierra Leonean Troops to Kismayo, KDF to Gedo

Posted: Sat Feb 01, 2014 11:49 am
by GeoSeven
The VOA article states that Burundian troops will be there too. A multination force is good news. The Kenyans are very partial :up: