Ciidamo iyo gaadiid dhan 50 xanbaarsanna hubka dagaalka oo aad u tiro badani ka soo kicitimeen magaalada Laas-caanood iyagoo ka soo feda-baxay magaalada Kalbaydh iyo Widh-widh iskuna fidiyey Hawdka-Bari sida Kalabaydh, Dharkayn, Saaxdheer, iyo Karin-dabayl-weyn halkaas oo saldhig u ahayd ciidamada Khaatumo ee lacagta badani qurbajoogta ugaga baxday ahna marinka haddeer beesh SSC ee isku xidha Hawd, Nugaal iyo Puntland.
Waxaa la yaab ah in Mashruuca Khaatumo isagoo ka warhaya dhibka Somaliland ku hayso SSC misana habayaraatee aan ka hadal ciidamadan cadowga ah, balse ay si diiran ugu soo dhoweeyeen kuna faraxsanyihiin imaatinkooda iyo weliba inay wadadaas gooyaan, waxaa Khaatumo iyo Website-yada lugooyada ummada ku haya arrintani u tahay guul ay gaadheen.
Waxaa mucjiso ah Mashruuca Khaatumo oo ku hadaaqa habeen iyo maalin teleconference-yadana madaxweynahooda iyo G11 la taaganyihiin inay deegaanka SSC ka xoraynayaan Somaliland, waxayna hadda u soo jeesteen qorshayaal ah in marka hore ay marinka ama wadada ka ka gooyaan Madaxweyne k ay u xigeenka Puntland Eng. Abdihakim H. Abdillahi Cumar (Baabul) si aanay ugu suurtoobin taakulo iyo gurmad midnaba in Madaxweyne ku xigeenkPuntland iyo dawladdiisu soo gaadhsiiyaan magaalada uu ku dhashay ee Buuhoodle; waxaaba suurto gal ah in ciidankani Somaliland u yahay dhabarjebin ciidanka fooda ku soo haya Kalshaale oo hadda laga baqsanyahay in dagaal ka dhaco, Somalilandna ay ka go’antahay aadna ugu taamayso inay magaalo madaxda gobolka cayn ee Buuhoodleay gacanta ku dhigaan sidii Laascaanood.
Khaatumo ayaa laga hayaa una sheegta ummadda SSC goor kasta iyo goob kasta – Puntland iyo Somaliland waa ku heshiin haysashada Laas-caanood oo ogaan iyo ula kac ayaa loogu wareejiyey Somaliland suul iyo saxeexna loogu kala qaatay dawladda Ethopia-na waa ka warhaysaa ; haddaba akhristow haddii arrinku sidaa yahay waxaa caqliga shaqaynayaa inoo sheegayaa in aysan dhici karin sabab ay Somaliland jid-gooyo ugu samayso ama isu hortaagto oo ciidamo intaas le’eg ugu soo dirto Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo maamul heshiis ka dhexeeyo; weliba dhul ku wareejiyey iyadoon dhiig ku daadan. Waxaana caqliga gasha haddii Somaliland diidantahay tegista Buuhoodle xidhiddhkaasina jiro oo run yahay waxaa ku filaan lahaa telefoon.
Waxaa iyana caqliga ka weyn, waa maxay dhibka Puntland ku hayso Buuhoodle oo Khaatumo ugu diidantahay? maxayse tahay waxtarka Somaliland u soo waddo Buuhoodle iyo degaanka SSC oo ay Khaatumo ugu faraxsantahay raalina uga tahay imaanshahooda, iyagoo weliba si wacan ugu soo dhoweeyey saldhigyada Khaatumo ee Saaxdheer iyo Karin-dabaylweyn.
allboocame
Khaatumo militia defect to Somaliland
Moderator: Moderators
- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 17 Replies
- 2766 Views
-
Last post by Magnusomalius
-
- 10 Replies
- 1274 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 15 Replies
- 2494 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 510 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 83 Replies
- 5516 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 46 Replies
- 5100 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 26 Replies
- 1366 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 27 Replies
- 3970 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 14 Replies
- 2758 Views
-
Last post by Ben Dover