Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta lagu dhex dilay Gaari BL ah, agagaarka Isgoyska Ex Koontarool, iyadoo falkan uu noqday midka ugu hadal heynta badan oo maanta la isla dhex marayay.
Sida ay sheegayaan wararka askariga ayaa ka mid ahaa rakaab gaari BL ah ka soo raacay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, iyadoo mar uu sii marayay gaariga meel ku dhow Isgoyska Ex Kootarool Balcad ay labo dhalinyaro oo isla rakaabkii gaariga ka mid ahaa ku dhex dileen gaariga.
Rakaabkii saarnaa gaariga ayaa kala cararay markii labada dhalinyaro ee bastoolada watay ay toogteen askariga, kadibna ka qaatay qoriga AK 47 uu watay, waxaana taas keentay in xataa ruuxii darawalka ahaa inuu gaariga ka cararo.
"Maanta agagaarka Ex Koontarool Balcad waxaa ka dhacay dil aad loola yaabay, askari gaari BL ah u soo raacay Suuqa Xoolaha ayaa baabuurka dhexdiisa lagu dilay, labo dhalinyaro ahaayeen qoriga waa ka qaateen xaafadaha ayay ku carareen, gaarigii wadada ayuu ku xayiran yahay, waana lagala kala cararay"ayuu yiri mid ka mid ah dadka degan xaafada Ex Koontarool Balcad.
Dilkan ka dhex dhacay gaariga BL gudihiisa ayaa ahaa mid ku cusub, iyadoo ciidamada mararka qaar iyagoo hubka sita gaadiidka BL-ka la raaca dadka rayidka.
Sanadkii 2008-dii ayaa Askari ka tirsan dowladda oo Timaha loogu jarayay Timo jare ku yaal Isgoyska Sanca ay rag bastoolado ku hubeysan ku dhex dileen halkii timaha loogu jarayay, waxaana Muqdisho sanadihii u dambeeyay caan ku aheyd dhacdooyika falalka kala duwan.
Amisomguarded Govt cannot even provide vehicles for their soldiers lol.
Useless puppetgovt.
Askari lagu dhex dilay gaari rakaab
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Askari lagu dhex dilay gaari rakaab
AUN!
The budgets have been misappropriated leaving the ordinary police officer unable to do the job properly.
The budgets have been misappropriated leaving the ordinary police officer unable to do the job properly.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 421 Views
-
Last post by Hydra
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 1487 Views
-
Last post by salool
-
- 1 Replies
- 1158 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 434 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 455 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 10 Replies
- 569 Views
-
Last post by Air Canada