KIKUYU army after Sade civilians in Kismaayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
anzeloti
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3246
Joined: Sat Jul 20, 2013 1:23 pm
Location: Lagu xanto lagu xasuusto aa ka horeyso

KIKUYU army after Sade civilians in Kismaayo

Post by anzeloti »

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirtay magaalada Kismaayo 24-kii saac ee la soo dhaafay, halkaasoo dad dhowr ah siyaabo kala duwan loogu dilay, wixii ka dambeeyay markii habeen hore magaalada lagu dilay Taliyihii Nabadsugida Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa howl galo saf ballaaran ay sameeyeen ku soo qab qabtay dad fara badan, waxaana la sheegayaa inay dileen kuwo laga shakiyay, iyadoo arrintan ay aad u cambaareeyay odayaasha dhaqanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Kismaayo oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay ka jirto magaalada, isla markaana ciidamada amniga ay dad badan ay laayeen.

"Dhibaato culus ayaa ka jirta magaalada, dad badan ayaa la dilay, kuwo waa la raafay, waxaa socda isir sifeyn, dadka waxaa loo dilayaa si caro leh"ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Amniga iyo Arrimaha gudaha Baarlamaanka Soomaaliya Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin wararka ka soo gaaraya Kismaayo ee dadka badan lagu dilay.

"Meeshaas maamul kama jirto, xukuumada waa iska indho tirtay, baarlamaanka markii uu fasax ka soo laabto sharci cusub ayuu ka soo saarayaa, heshiiskii addis ababa laguma dhaqmin, wax aan aqbaleyno ma ahan"ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Habeen hore ayaa waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay Taliyihii Nabadsugida Ciise Kaambooni, iyadoo wixii ka dambeeyay dilkiisa magaalada ay gashay xaalad kacsanaan ah iyo howlo galo dad fara badan lagu soo qab qabtay.

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in labo ruux lagu dilay magaalada sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”