Degmooyinka Muqdisho Qaarkood oo Baaritaanno laga Sameeyay
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Howlgallo ayaa saacadihii u dambeeyay waxay ciidamada dowladda Sooamaliya iyo kuwa nabad-sugidda dowladda ka sameeyeen xaafado ka tisran degmooyinka gobolka Banaadir.
Degmooyinka inta badan baaritaanka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah: Boondheere, Wardhiigleey, Yaaqshiid iyo xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Howl-gallada ayaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah; inkastoo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya aysan sheegin halka lagu haayo dadkii lagu qabqabtay howlgallada laga sameeyay Muqdisho.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay xarumaha dowladda Somalia ay ku leedahay Muqdisho; waxaana inta badan baaritaanno lagu hayaa gaadiidka maraya isgoysyada laga soo galo Muqdisho sida Ex-koontarool Balcad & Ex-kontarol Afgooye.
Baaritaanadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka guud ee Muqdisho, kaddib weerarkii shalay ay kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamada Howlgallada sameynayay ayaa waxay isugu jireen kuwa dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo qaybo ka mid ah jidka dheer ee warshadaha halkaasoo uu shalay ka dhacay qarax gaari.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Seems Hurdaaye has woken up and aint taking anymore chances
Moderator: Moderators
- FarhanYare
- SomaliNet Super
- Posts: 19029
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Seems Hurdaaye has woken up and aint taking anymore chan
Too little too late.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 461 Views
-
Last post by YummyMummy
-
- 4 Replies
- 425 Views
-
Last post by Mrs Harti
-
- 6 Replies
- 416 Views
-
Last post by SadSayyid
-
- 0 Replies
- 212 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 13 Replies
- 982 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 710 Views
-
Last post by Chris*Milian
-
- 21 Replies
- 2541 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 0 Replies
- 427 Views
-
Last post by sahal80
-
- 20 Replies
- 1080 Views
-
Last post by BlackRain