Page 1 of 1

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo Dhaqdhaqaaq kawada G/Gedo

Posted: Mon Feb 24, 2014 10:36 am
by FarhanYare
Ciidammo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa waxay ay soo gaareen deegaan lagu Buursagaar oo u dhexeeya degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey.

Goobjoogeyaal ku sugan deeganadaasi ayaa HOL u sheegay in ciidamadani ay ku qalabeeysanyihiin hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, waxaana ay ku wajahanyihiin degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo halkaaso ay hore ugu sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Ilaa imika ma cadda halka ay ku wajahanyihiin ciidamadan, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku wajahanyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Dhinaca kale, xarakada Al-shabaab ayaa wada diyaargarow aad u xooggan oo ay ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee kusoo fool leh deegaanada ay ka arimiyaan ee gobolka Gedo

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan degmada Buurdhuubo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin duulaan walba oo kaga yimaada dhanka ciidamada dowladda iyo AMISOM ee isgarabsanaya.

Xiisadahan kasoo cusbonaaday gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Itoobiya ay dhawaan si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee (AMISOM).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
Hnur@hiiraancom
Kismaayo, Soomaaliya

Re: Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo Dhaqdhaqaaq kawada G/Ged

Posted: Mon Feb 24, 2014 10:51 am
by grandpakhalif
They are on there way to Bardheere where Godane is hiding expect a big battle

Re: Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo Dhaqdhaqaaq kawada G/Ged

Posted: Mon Feb 24, 2014 1:09 pm
by AfricanHunter
Alshabaab and Ethiopia are best friends. They wont fight. You are all tricked.

Re: Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo Dhaqdhaqaaq kawada G/Ged

Posted: Mon Feb 24, 2014 5:07 pm
by Xiis1928
AfricanHunter wrote:Alshabaab and Ethiopia are best friends. They wont fight. You are all tricked.
You're not the first to say this. Somebody needs to tell the Abgal donkey about the alliance between the Xabashi Empire and the Wahabi terrorist group.