
Ciidamada amaanka iyo Sirdoonka Dowlada Puntland ayaa hawlgal balaaran oo lagu sugayo amaanka ka wada Gobolada Bari iyo Mudug,gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bosaso,waxaana si wayn loo adkeeyay Xuduudaha guud ahaan Puntland.
Hawlgalka oo qayb ka mid ah ay Ciidamadu ku baarayaan Guryaha,ayaa ujeedadiisu ay tahay in lagu xaqiijiyo amaanka iyo xasiloonida ka jirta Gobolada Puntland.
Ma jiro falal amaanka Liddi ku ah oo ka dhacay Gobolada Puntland,marka laga reebo falkii Koox hubaysan ay dad ku Rasaaseeyen ee ka dhacay Gaalkacyo,hasa Saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo la hadlay Warsidaha Puntlandi ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay si dhow ula socoto illaalinta amaanka guud ee Gobolada Puntland.
Waxaa xusid mudan in Ciidamada Dowlada Puntland ay hawlgal kaasi dhigiisa ah ka sameeyen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Hawlgalka kor loogu qaadayo amaanka guud ee Gobolada Puntland ayaa imanaya ka xilli dhowaan Dowlada Puntland ay heegan galisay Ciidamada qalabka sida,ka dib markii Dowlada Ethiopia ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shababaab.
Si kastaba ha ahate,Dowlada Puntland ayaa si dhow ula socota saamaynta dagaalka ka dhan Al-shabaab uu ku yeelan karo Gobolada Puntland.
http://www.puntlandi.com.