Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Xarumaha Dowladda
Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa ku goodisay in ay beegsan doonto xarumaha dowladda, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo xarumahooda.
Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in qaraxyada ay geysanayaan iyo beegsiga xarumaha dowladda ay kordhin doonaan.
“Shacabka waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan xarumaha dowladda iyo meelaha ay askartu ku sugan yihiin, meelahaas waxay inoo yihiin bartilmaameed. Digniintan waa mid kale oo aan u jeedinayno shacabka inay kaga fogaadaan goobahaas,” ayuu yiri mas’uulkan u hadlay Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa waxay toddobaadkan Muqdisho ka geysatay weerarro ismiidaamin ah kuwaas oo mid ka mid ah uu dhacay shalay, halka midkii ka horreeyay oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer oo hore sheegtay inay dadaal xooggan u galayso sidii ay ku adkeyn lahayd ammaanka Muqdisho, inkastoo weerarrada dhacay ay u muuqdaan kuwo kusii kordha Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa horay u sheegay inay Muqdisho ugu sugan yihiin, kuwaasoo fulin kara howlgalkii loo baahdo, iyadoo shacabka Muqdisho ay u arkaan in taasi ay sabab u tahay awood xumo haysata hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Harakat Shabaabul Mujahideen warning Mogadishu civilians
Moderator: Moderators
-
- Posts: 21
- Joined: Wed Dec 25, 2013 1:16 pm
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Harakat Shabaabul Mujahideen warning Mogadishu civilians
Osob.......stay safe. 

-
- Posts: 21
- Joined: Wed Dec 25, 2013 1:16 pm
Re: Harakat Shabaabul Mujahideen warning Mogadishu civilians
original leave my topics alone
go away dog
go away dog
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 479 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 24 Replies
- 1230 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 360 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 15 Replies
- 816 Views
-
Last post by Murax
-
- 6 Replies
- 429 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 34 Replies
- 2459 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 278 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 0 Replies
- 253 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 2 Replies
- 595 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 379 Views
-
Last post by Hiiraan boy