Taliska ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa ku fashilmay isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku doonayay in beelaha dega qeybo katirsan Galguduud uu uga qeyb geliyo duullaan lagu qaado Bariga Galguduud oo uu kajiro maamul islaami ah.
SomaliMeMo ayaa xog muhiim ah ka heshay shirar ka kala dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb oo laysku fahmi waayay,shalay gelinkii dambe ayay saraakiisha ciidanka Xabashida Itoobiya shir isugu yeereen odayaasha dhaqanka beesha Ceyr gaar ahaan jufooyinka Ayaanle iyo Habar Eji.
Kulanka oo daba socday kulamo horay la-isugu mari-waayay ayaa Itoobiyaanka u ahaa kii ugu dambeeyay oo ay beesha uga heli lahaayeen ogolaashiyo ama diidmo,ilo wareedyo mas'uul ah oo aan ka helnay beesha Ceyr ayaa sheegaya in waxgaradka beeshu ay Itoobiyaanka si cad ugu sheegeen in waqtigan lajoogo aysan ku garabsiin karin duullaan lagu qaado degmooyinka sharciga islaamka lagu maamulo ee Bariga Galguduud dhaca.
Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa beesha ugu goodiyay in deegaanadoodu ay noqon doonaan meelo go'doon ka ah hay'adaha Q.Midoobe iyo madaxda DF-ka haddii aysan taageerin duullaan lagu qaado deegaanada xarakada Al Shabaab ka maamusho Galguduud.
Mowqif midkii hore ka duwan oo Ceyr lashir tegay:bishii hore ayay beeshu Xabashida ugudbisay shuruudo aad ugu adkaa dhanka cadawga balse kulankii shalay mabda' ahaan Ceyr waa diiday in ay Itoobiyaanka dal aqoon ugu naqdaan duullaan lagu qaado degmooyinka ay degaan beelaha Murusade iyo Maxamuud Hiraab.
Jufooyinka Habar Eji iyo Ayaanlle ayaa kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen isku balansaday in shakhsi iyaga katirsan uusan Xabashida ku wehli karin duullaan lagu qaado bariga Galguduud, "Haddii aan Itoobiya ku kaalmeyno duullaanka ay ku qaadayso walaalaheenna Bariga Galguduud Gabadheenu guur magasho" ayay isku dhaarsadeen odayaasha degmada Guriceel.
Itoobiyaanka oo Dhuusamareeb u aaday kala Jebinta beesha Ceyr:Saaka aroortii hore ayay saraakiil katirsan ciidanka Itoobiya oo wata 8 gaadiidka dagaalka ah u safreen magaalada Dhuusamareeb waxayna kulan isugu yeereen Odayaasha jufooyinka Yabar dhoorakacay iyo Cabsiiye oo dhammaantood katirsan beel weynta Ceyr.
Mid kamida waxgaradka deegaanka ayaa SomaliMeMo u sheegay in labada jufa ay Itoobiyaanka u sheegeen in Ceyr mowqif guud ka qaatay in uusan ku lug lahaan duullaanka ciidanka shisheeye Soomaaliya kusoo qaadeen.
Nin lagu magacaabo Xuseen Wehliye Cirfo oo ku magacaaban guddoomiyaha DF-ka ee Galguduud ayaa la sheegay in uu dabacsanaan iyo niyad furnaan umuujiyay Itoobiyaanka balse beesha Ceyr ayaa diiday in ay qeyb ka noqoto duulaan lagu qaado Ceelbuur iyo Wabxo ama Ceelgaras.
Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegaya in Itoobiyaanka oo guul daraystay ay dib ugu laabteen degmada Guriceel halkaasi oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin.
Baraarugga ballaaran ee kajira gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa Itoobiya carqalad ka gelinaya qorshihii ay ku doonaysay in ay ku qabsato magaalooyin katirsan gobolada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Caqabadda ugu daran ee Itoobiyaanka heysata ayaa ah iyadoo la' maleeshiyaad dal aqoon u noqda,qabaa'ilada Habar Gidir iyo Xawaadle ayaa diiday in wiilashoodu garabsiiyaan Itoobiyaanka.




