shabelle natives oppose the Baydhabo conference

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
AbkoowDhiblaawe
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14237
Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
Location: chilling in Liido beach

shabelle natives oppose the Baydhabo conference

Post by AbkoowDhiblaawe »

Image


Image

Image

Image


Waxaa Maanta magaalada Muqdisho shir ku yeeshay odayaal, syaasiyiin,aqoon yahano iyo xildhibaano ka soo kala jeeda gobolada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose kuwaasoo si weyn u dhaliilay Wasirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Dadkii ka hadlay shirka maanta waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Ururada bulshada rayidka EX.Banaadir Muxudiin Xasan Afrax,Nabadoon Ibraahin Cosobow,Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoono kale.

Hadaba warsaxaafadeed shirka laga soo saaray ayaa sidan u qornaa:-
Warsaxaafadeed
Muqdisho 04 maarso 2014
Madax dhaqameedyada,siyaasiyiinta,aqoonyahanada iyo dhamaa qeybaha bulshada ee deegaanada labada shabeele waxay si wada jir ah u soo saareen qoraalkaan oo ay uga jawaabayaan qoraaladii ka soo kala baxay wasiirka arimaha gudaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo looga hadlayay shirka baydhabo.

Waxaa in mudo ah socday dadaalo ay dadka deegaanka aayahooda uga tashanayeen islamarkaana wada tashiyo lala sameynayay dowlada faderaalka soomaaliya oo u socda si wanaagsan oo waafaqsan dastuurka iyo dhamaan sharciyada dalka,kulamo fara badan oo ka dhacayay goobo ka tirsan deegaanada labada shabeele iyo gudi si joogto ahba uga howlgalayay arinkan oo hada maraya heer gabo gabo ah iyadoo Wasiirka arimaha gudaha si gaar ah looga wargeliyay oo loo gudbiyay qoraalo cadeynaya arintan.

iyadoo la ogyahay in shirka baydhabo oo isna doonayo in gobolka shabeelaha hoose uu ka mid noqdo lixda gobolka oo dadka deegaanka qaar ka mid ah ay ka qeybgalayaan shirka baydhabo haddana waxaan aaminsahay in dadka deegaanka intiisa badan ay ka qeybgalayaan shirkaan ka socda deegaanada labada shabeelle oo gudiga uu weli ku howlan yahay sidii dadkaasi jooga baydhabo ay uga qeybgeli lahaayeen shirarkaani iyo go’aanadaan, la tashiyo fara badan waxaa la isku raacay oo ay dadka deegaanku go’aansadeen in maamul goboleed waafaqsan dastuurka iyo shuruucda oo ay hogaamineyso dowlada Faderaalka laga hirgeliyo labada shabelle, sidaa daraadeed waxaa si cad uga soo hoirjeednaa go’aanka wasiirka arimaha gudaha iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobe sababahaan owgood.

1-go’aanka Wasiirka arimaha gudaha ma waafaqsana dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan mana aha mid golaha wasiirada ay ka doodeen oo ay daraasad ka sameeyeen mana jirto xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda gobolka shabeelaha hoose oo la tashtay dadka deegaanka go.aan ka soo baxaya xukuumada waa inuu ahaadaa mid golaha lahor dhigay oo ka hor la soo marayo nidaamka dib u heshiisiinta wada tashiga iyo xaqa ay dadka deegaanku u leeyihiin in lala socodsiiyo go’aanada sameynaya masiirkooda iyo mustaqbalkooda.

2-Dowladu doorkeedu waa inay fududeysaa wada hadalada iyo sidii dadku aayahooda uga tashan lahaayeen,sidaas daraadeed masiirka iyo aayaha gobolka shabeelaha hoose waxaa xaq u leh dadka deegaanka oo iyagu wada shirar ay uga mid noqonayaan maamul goboleedka labada shabele, dowladu xaq uma laha inay u gaarto dadka go’aan aan iyaga ka imaan.

3-ergeuyga gaarka ah ee qaramada midoobe waa inuusan go’aanu gaarin dadka deegaanka ee waa inuu sahlaa fududeeyaa islamarkaana ku dhiiri geliyaa dadka deegaanka inay aayahooda ka tashadaaan,waxayna ahayd inuu xogta dhabta ah helo inta uusan soo saarin qoraalka uu ku taageerayo wasiirka arimaha gudaha.

4-Gobolka shabeelaha hoose waa gobol taariikh fog leh islamarkaana qeyb ka ahaa Ex-banaadir oo sedexdaasi gobol ay wadaagaan deegaan,dhaqan iyo is faham soo jireen ah, una baahan in la ixtiraamo laguna dhiiri geliyo dadaalada socda.

5-sidaas daraadeed waxaan soo jeedineynaa talooyinkaani muhiimka ah.

A) in Madaxweynaha Jamhuuriyada uu dib u eegis ku sameeyo go’aanka Wasiirka arimaha gudaha oo uu gudi xaqiiqo raadin ah u saaro arinkaan islamarkaana xisaabtan dhab ah lala galaa Wasiirka.

B)in xukuumada ay la fariisato gudigaani maamul u sameynta labada shabelle si looga wada hadlo horumarka socda ee maamulkan oo ay xukuumadu qaadato doorkeeda hogaamineed oo ay dadka deegaankaani raali uga yihiin.

C) in Gudigu uu sii wado wadahadalka iyo la tashayida dadka deeganka si go’aanka maamul u sameynta labada shabele uu u noqdo mid ay dhamaan dadka deegaanku raali ka wada yihiin islamarkaana ay si siman oo daacad ah ay u qeybsanayaan dham,aan awood qeybsiga maamulka deegaanka.

D) Gudigaani wuxuu diyaar u yahay in dhaqan gelinta nidaamka faderaalka uu noqdo mid waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka isla markaana ay dowladu door hogaamineed ka qaadato si looga fogaado iska hor-imaad khilaaf iyo fowdo taasoo caqabad ku noqon karta sidii loo heli lahaa nidaam ku yimaado si dimoqoraadiyad ah oo dadka rabitaankiisa la xormeynayo.

Ugu danbentii siyaasiyiinta iyo xildhibanad ka soo jeeda labada shabelle waa inay taageeraan go’aankaani iyo rabitaanka shacabka ay matalaan oo ay cod dheer ku sheegaan waxaana ugu baaqeynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed inay muhiim tahay inaan ka wada shaqeyno sidii aan u heli lahayn dal nabad ah oo aan ku gaari laheyn nidaam dimuqaadiyad ah oo ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7582
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: shabelle natives oppose the Baydhabo conference

Post by Nomand »

The ugangan government in mogadishu did approve of the 3 state of bay, bakool and shabeele hoose.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”