Baydhabo (RBC) War hadda naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay meel bartamaha magaalada Baydhabo ku taalla.
Dagaalkan ayaa ka bilawday sida la sheegay muran dhexmaray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan booliska iyo kuwa militariga kuwaasoo sida la sheegay kala taabacsan dhinacyada maamulada iska horjeeda kala sheeganaya ee ku sugan Baydhabo.
Dagaalka ayaa xoogiisa ka dhacay saldhiga booliska ee loo yaqaano saldhiga Bari, halkaasoo rasaastaay ka qaraxday.
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey geerida afar ruux oo uu ku jiri taliye ku xigeenkii booliska ee gobolka Baay kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Col Kurtun.
Waxaa la soo sheegayaa tiro dad dhaawac ah kuwaasoo weli aan la xaqiijin waxa ay kala yihiin.
Rasaasta ayaa joogsatay qadar ka dib markii ay ciidamada AMISOM goobta yimaadeen.
Dagaalkan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa yimid iyadoo maanta gelinkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ee ku sugan Baydhabo ay joojiyeen bannaanbax lagu taageerayey Madoobe Nuunow Maxamed oo Isniintii loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Fight erupts in Baydhabo after farce election
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 428 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 2 Replies
- 611 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa
-
- 3 Replies
- 500 Views
-
Last post by Advo
-
- 0 Replies
- 326 Views
-
Last post by LetsCookBreakfast
-
- 0 Replies
- 269 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 116 Replies
- 10005 Views
-
Last post by Ugariyahan
-
- 9 Replies
- 1018 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 1 Replies
- 546 Views
-
Last post by biko
-
- 17 Replies
- 1771 Views
-
Last post by paperino
-
- 12 Replies
- 888 Views
-
Last post by Basra-
