Emergency relief to the people of Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Meyle
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3519
Joined: Tue Aug 28, 2012 3:36 pm

Emergency relief to the people of Gedo

Post by Meyle »

Image
Tuullooyinka ugu daran ee ay ka soconayaan gurmadka Biyodhaaminta ayaa waxaa ka mid ah, Geriley, cawsquran, Daarasalaam, Dayacgaroon, dhoomo-dheer, Meeri, kurbeese, Dhibayow, Janbiile iyoweliba dhulkamiyiga ah ee ku teedsan tuullooyinkaasi oo dhamaantood ahaa deegaanada ay kajirtay biyala’aanta ugu daran ee GobolkaGedo.
Aar Maxamed Maxamuudoo ah Gudoomiyaha deegaanka Geriley oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaalada nololeed ee dadka iyo duunyada ku dhaqan tuulooyinka ay biya dhamintu ka socoto iyo deegaanada hoosyimaadaba,isagoosheegayna maalinkastaaba in la gaarsiiyo tuulooyinkaasi booyado Biyo ah,taasinawaxay wax weyn ay ka tartey nolosha dadka iyoduunyada.
Mid ka mid mid ah Howlwadeenda UrurkaSamafalka ee SADO oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in howshagurmadka biyodhaamintu ay u socotosidii loogutalagalay, isla markaana Biyaha ay gaarsiiyeen dad ka badan ilaa 4700 oo qoys, isagoo sheegayna in ay howshaasi gurmadka biya dhaaminta ay ka qayb qaadanayaan booyado gaarayo ilaa 20.
Dhinaca kalena Hay’adda SADO ayaa waxay deeq lacageed u qeybisey Dad gaaraya ilaa 1200 oo qof oo u badan kuwo dan yar ah oo ku kala nool Tuullooyin ay ka mid yihiin,Cawsquran, Buusaar, Buro bardeesa iyo Samaroole,deeqdani oo socon doonta mudo 3 bil ah ayey qoysaskaasi waxay qaateen mudo labo bil ah.
Si kastaba ha ahaatee Howshani gurmadka Biyodhaaminta ah ee haatan ka socota Deegaano badan oo hoostaga GobolkaGedo ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli weli meelo badan ooGobolka ay kajirto baahi aad u daran oo dhinaca biyaha ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”