Gobol Taariikh Leh
Posted: Sun Mar 09, 2014 7:57 pm
Budul:
Gabadhii Doollo ee guudka loo dabaay
waxaa tahay gayaankii aan doonayee
Kaafeeya:
Garashiyo iyo aqoon iyo Gobonimaad
Kaligaa gaar u leedahay geesiyoow
Budul:
Sida geenyo faras iyo goray haldhaa
Gola joogsigaagaan gobaadeey ka helay
Kaafeeya:
Sida geed xagaroo warta Gaafoow kuyaal
Ayaan gurada iyo guudka kaa daawadaa
Budul:
Gabadh yahay Garloogube oo geelku dhalay
iyo gole barqaaqo ahaan ku geeyn hayaa
Kaafeeya:
Gaban yohow Qoriile iyo gaankii Sirow
Iyo Caado oo gu’ helay maku guri galaa
Budul:
Gobol taariikhle iyo waxaan kugu galbinayaa
Wardheer gaariyeey
Kaafeeya:
Gobol taariikhle iyo waxaad igu galbineysaa
Wardheer geesiyoow
Budul:
Yaa Galaadi iyo Bookh ku geeyoo
Galabtii caano geel gaawe kuugu shuba
Kaafeeya:
Gayigeena wacan kama guurayee
Garbo Ragaada iyo Guuxa ila ciyaar
Budul:
Galka Wa’af-Dhuug xeraadu ka galac liyo
Gobta Laheloow taalaan ku gaadhsiinayaa
Kaafeeya:
Gafi maayo Mirow dooga gugu xareeyay(didn’t get this line)
Waa inaan dhex gaardiyo had iyo goor
Budul:
Goosay Yucub ka baxay oo guduutay baa
Gac-maheyga dhuubaanta kuugu guri
Kaafeeya:
Goonyihii Hagoogane gacaliyoow
Gabalkii dhacaba yaa ku tuma Giblada
Budul:
Gobol taariikhle iyo waxaan kugu galbinayaa
Wardheer gaariyeey
Kaafeeya:
Gobol taariikhle iyo waxaad igu galbineysaa
Wardheer geesiyoow