Dowladda Turkiga oo la filayo in ay mashaariic ka fuliso gobolka Hiiraan
Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Tan iyo wixii ka dambeyay sannadkii 2011waqtigaa oo abaar darran ay ku dhuftay in badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ku barakaceen magaalada Muqdisho dad ka soo cararay abaarta iyo macaluushii waqtigaa jirtay, dowladda Turkiga waxaa ay saameyn xoog leh oo dhinaca samafalka ah ku laheyd dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay siweyn mashquul ugu aheyd dowladda Tjurkiga howlaha samafalka, dib u dhiska iyo fulinta mashariic lagu hormarinayo dalka ay dagaalladu la hareen ee Soomaaliya, wallow haddana marka aad eegto gargaarka bani'aadanimo ee fulinta mashaariicda Turkiga xoogooda ahaayeen kuwo ku eg gobolka Banaadir.
Laakiin hadda waxaa muuqata in dowladda Turkigu diyaar u tahay ku baahinta mashariicdeeda hormareed iyo gargaarka ay siiso dadka tabaaleysan gobollada dalka Soomaaliya ee xiligan nabad-galyada ka jirto, waxaana dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kormeeray oo booqasho ku tagay wafdi heer sare ah oo ka socda safaarada iyo hay'adda bisha Cas ee Turkiga, kuwaa oo ujeedada scodaakooda ku sheegay in ay u kuur-galayaan xaalada guud ee gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Xubnaha wafdiga oo mudo labo cisho ah ku sugnaa magaalada Beledweyne waxaa ay booqdeen xarumo kala gadisa, sida goobaha waxbarashada magaalada, suuqa lagu iibiyo xoolaha, isbitaalka guud ee magaalada, dugsiga lagu xanaaneeyo agoonta, xeryaha dadka barakacayaasha ah iyo meelo kale, iyagoo dhageysanayay warbixino ay siinayeen mas'uuliyiinta goobaha kala duwan oo ay booqashada ku tageen.
Wafdiga marka laga soo tago kormeerkooda, waxaa ay kulamo xiriir ah la lahaayeen mudadii ay joogeen magaalada Beledweyne qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha, ururada dhalinyarrada, iyo haweenka oo ay is dhaafanayeen xog ku saabsan baahiyaha rasmiga ah ee gobolka ka jira.
Wafdiga waxaa hogaaminayay ku-xigeenka safiirka dowladda Turkiga Ismaaciil Caadil oo hadal uu jeediyay ku amaanay maamulka iyo bulshada oo sida uu sheegay ay ka muuqato isku xirnaan dhinacyo badan, isaga oo ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay gobolka.
Sarkaalka ka socda hay'adda bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in bulshada Turkiga iyo shacabka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah, sidaa daraadeed ay waajib ku tahay dhinacooda in ay gargaaraan dadka walaalahood ah ee dhibaateysan, isaga oo sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan jawaab deg deg ah uga bixin doonaan dalab-ka bulshda ku dhaqan gobolka oo codsaday in dowladda Turkiga soo gaarsiiso howlaha kala gadisan ee isugu jira mashaariicda iyo samafalka oo ay ka wadaan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in ay kulan wada qaateen safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya kana wada hadlleen xaalada gobolka, waxaana uu rajo badan ka muujiyay guddoomiyaha in dowladda Turkiga si dhaqse ah gobolka uga bilaabi doonto howlo kala gadisan oo micno u sameynaya bulshada ku dhaqan gobolka.
Marka la eego baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee xiligan ka jira gobolka waxaa ka mid ah dib u dhis lagu sameeyo jidadka oo burbur xoog leh uu ka muuqdo gaar ahaan wadada dheer ee laamiga ah isku xirta gobolka iyo qeybaha kale ee dalka, xarumaha dowladda gaar ahaan xarunta maamulka gobolka oo ku bur burtay weerar Ismiidaamin ah dhowr sano ka hor ka dhacay magaalada, tayeeynta adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka magaalada oo ay hadda soo food saartay dawo la'aan, gargaar siinta dadka talaabeysan, iyo guud ahaan dib u soo nooleynta goobihii danta guud ee ku bur buray dagaalladii dalka dhacay.
Laakiin marka aad bulshada hoos ahaan ula sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in ay jeclaan lahaayeen wax ka qabashada fatahaada uu sameeyo wabiga shabeelle oo xiliyada roobabka daadad ku soo roga xaafaddaha magaalada, waxaana ay dalbanayaan in mashaariicda la balan-qaaday arrintan qeyb ka noqonto iyadoo biyo xireen lagu sameynayo meelaha oo wabigu ka soo fataho.
Odayaasha dhaqanka gobolka ayaa sheegay dhinacooda in ay wax badan ka fillayaan dowladda Turkiga, madaama ay horay sidan oo kale gobolka u soo booqdeen saraakiil heer caalami ah oo ballan-qaadyo ay sameeyeen waxba ka soo bixin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Turkiga oo la filayo in ay mashaariic ka fuliso HIIRAAN
Moderator: Moderators
Re: Turkiga oo la filayo in ay mashaariic ka fuliso HIIRAAN
Bro ask yourself why this time? Also why the UAEs 10 district/gobol project after their ambassadors meeting with the interior minister?
Why turkey is extending to a far places?
All this goes along side with the national govts expansion policies towards the regions and turkey is building the confidence between the center and regional.
Why turkey is extending to a far places?
All this goes along side with the national govts expansion policies towards the regions and turkey is building the confidence between the center and regional.
Last edited by sahal80 on Tue Mar 11, 2014 10:46 am, edited 1 time in total.
Re: Turkiga oo la filayo in ay mashaariic ka fuliso HIIRAAN
Waxan u malaynaya ma foga xiligii inta Turkigu ka yaabo Somalidan midmid firxada hadba ugu imanaya oo leh anaga kaliya na caawin , wa lagu wareeraya imisa Somaliya ba jira , madax weynaha iyo wasiiraduna gaar bay ugu tagan oo wax gaar ah bay ka qaatan , hadaynan midoobayn oo isku duubnanayn waxaba dhacaysa in wadankaba wadamadan kale qayqayb looga iibiyo sida Turki,Yuganda , Ethiopia , kenya iwm.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 690 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 472 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 196 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 501 Views
-
Last post by quark
-
- 2 Replies
- 632 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 147 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 249 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 317 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 599 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 11 Replies
- 708 Views
-
Last post by greenday