Sababta topic-gan aan u furay waa si loo darso wixii xukuumadda Kulmiye qabatay intay talada dalka haysay. Thread-kan waxaa ilaa hadda qabsoomay oo Sawirro iyo qoraal is dhinac socda ah.
Aan ku horrayno balanqaadkii xukuumada Kulmiye kusoo gashay ololaha wax yaabihii qabsoomay:
1. Wax barashada dugsiyada oo bilaash laga dhigay, dusgi dhexe ilaa dugsi sare

2. Badalaada lacagtii giimbaarta ahayd ee gobolada bariga

3. Kordhinta Mushaharka shaqaalaha dawladda

4. Soo daabacaada lacag cusub noodh cusub ah oo ka kooban Sl5000 iyo Sl1000

5. Kordhinta mushaharka ciidanka sida, Booliska, Military-ga, ciidanka wadooyinka, ciidanka badda, iwm

6. Hir gelinta iyo furida xisbiyo cusub oo siyaasadeed

7. Qabashada doorashada gola-yaasha deegaanka

8. Darajo u samaynta ciidamada qaranka markii u horaysay tan iyo intii la aas aasay

9. Samaynta guddi madax banaan oo la dagaalanta musuq maasuqa

10. Dhaqaalaha miisaaniyada oo ay la wareegtay isagoo $40 million ah halka ay kor usoo qaaday oo uu maanta caga cagaynayo $200 million

Arrimaha kale ee ay Xukuumadda Kulmiye qabatay waxa ka mid ah:
- Isku xidhka shirkadaha is gaadhsiinta
- Baabi'inta kootadii shirkadda shidaalka keenta ee TOTAL
- Horu-marinta iyo balaadhinta TV-ga qaranka oo laga daawado maanta dunida oo dhan
- Hir gelinta tartan sanadle ah oo musaaqabada quraanka ah, jaa'iso fiicana lagu helo.
Xagga wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah:
- Dib u dhiska madaarada dalka, sida Berbera, Hargeisa, Burco iyo Borama
- Qodista ceelal cusub oo loo hir geliyay tuulooyinka hoos yimaada gobolada dalka:
Gobolka Saaxil:-
-Bixin-duule
-Laalays
-Laas ciidle
iwm
Gobolka Togdheer:-
-Qoryaale
-Kaba-dheere
-Xaaji Saalax
iwm
Iyo Gobolada kale ee dalka Bariga iyo Galbeedkaba.
Horu-marinta waddooyina:
- Dib u dayactirka waddooyinka hal bawlaha u ah qaranka sida, Wadada isku xidha Hargeisa iyo Berbera iyo Berbera ilaa Burco





- Hir gelinta waddo laami ah Kalabaydh ilaa Wajaale

- Hir gelinta waddo laami ah Borama ilaa Dilla

- Hir gelinta waddo laami ah Gabiley ilaa Dilla (dhismihii weli wuu socdaa)
- Hirgelinta waddo laami ah Borama ilaa Lawya-caddo (Dhismihii weli wuu socdaa)
Dhismaha wadada isku xidhaysa Burco ilaa Ceerigaabo:
Qalabka qalabkii badh ayaa dalka soo gaadhay waxaana lagu wadaa inuu dhawaan madaxweynuhu soo dhagax dhigo hawshuna bilaabanto:



