Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho loogana tashaneyey aayaha maamul iyo nabadeynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa kasoo baxay ku dhawaaqista Gollaha madaxda looga dhigay siyaasiga caanka ah ee Col, Barre Aden Shire “Hiiraale” iyo xubno kale oo muhiim u ah fullinta ujeedka loo dhisay gollahaasi.
Haddaba markii lagu dhawaaqay hoggaankaasi cusub ee isbadel-doonka ah ayaa waxaa soo baxayey hadalo ka dhan ah oo lagu baahiyey warbaahinta wax ka qorta arrimaha Jubbooyinka kuwooda seeta-gaabiya ee aan waxbadan la socon. Waxaana ay sheegeen inuu Barre Hiiraale ka noqday madaxweynenimadii Juballand, sidaasina loogu doortay guddoomiye urur cusub. (Sal fududaa ma sheydaan ayaa u taliyey “ayaan maqli jiray. Raggan waxaasi oranaya miyeysan siyaasada waxba ka aqoon? Maya kama yaqaanan ee waxaa ay malaha u cabsadeen (Ahmed Madoobe oo daad kusoo socdo”
kadibna waxay lumiyeen inay miisaamaan waxa ay qorayaan inay akhrisan doonaan dad ka aqoon iyo waaya-aragnimo badan.
Lama hayo meel uu Col, Barre Hiiraale ku yiri “Waan ka noqday madaxweynenimada Jubbaland” haddii aan taasi laheyna wixii laga sheego waa iska been iyo mala awaalka lagu yaqaan kuwa seeflaboodka ah. Waxaana taasi la mid ah Ahmed Madoobe meelna kuma cadeyn inuu ka tanaasulay” Guddoomiyaha urur diimeedka Raaskambooni” Isaga oo kaliya ma ahee waxaaba sidaasi la qaban dhammaan madaxdii iyo ciidankii ururkaasi kula jiray!!! ” Malaha waxay is leeyihiin Jubba la iskuma hubee, magaca Raaskambooni godob ha ka gelina “.
Qaar kale ayaa yiri “Barre Hiiraale waxaa garabkiisa baneeyey raggii madaxweynenimada Jubbaland la sheegan jiray ee Mucaraadka ahaa”, hadde raga laga hadlayo waa Iftiin Baasto oo qol ku xiran si looga ilaaliyo ciidanka Ahmed Madoobe inay dilaan iyo Abdi Baaleey, kuwaasi oo lagu soo qalday waxaan idin siin doonaa wasiiro iyo baabuur aad magaalada ku joogtaan.!! Wasiirnimo la siiyo iska daaye waxaa halis ku jira naftooda. Maxaase xigay. Iftiin Baasto oo leh “Dunida iyo AMISOM waxaan ka codsanayaa in la iga badbaadiyo ciidanka Raaskambooni oo dartood qol aan ugu xirnahay” Ma sidaasi ayaa garab ka bixid ah mise ragga waxay rabeen inuu Barre Hiiraale dabinka raggaasi loo dhigay uu kuso dhaco??.
Waxaa xaqiiqo ah inaysan aqoon u laheyn Col, Barre Hiiraale oo siyaasad iyo ciidan ku jiray ka hor Ahmed Madoobe iyo xerta uu wato oo dhan ( Dagaa lama dago ) miyeysan maqal kuwaasi.
Dowlada Soomaaliya markii ay magaca Jubbaland oo laga reebay (Land) u aqoonsatay Ahmed Madoobe ayey kala furteen Col, Barre Hiiraale iyo inta kale ee u heelan dib usoo celinta Kismaayo iyo dhamaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Waxaana muuqata si wixii ku qaldamay shirkii Adis Ababa dib loogu saxo in la sameeyo (Gollaha cusub) kaasi oo UTUN ku ah maamul ku sheega Ahmed Madoobe.
Al-Shabaab yaa wax la cunay? Ma Ahmed Madoobe mise Barre Hiiraale?.
Jawaabtaasi inta ka caafimaadka qabta qabyaalada iyo jahliga waxaa ay durba oranayaan (Ahmed Madoobe ayaaba ahaa ninkii dhisay Al-Shabaab), waliba Ahmed Madoobe oo ka qeybgalayey barnaamij ay VOASOMALI uga hadleysay ururkaasi ku sheegay inuu isaga wax ka dhisay Al-Shabaab. Ciddii aan horey u dhageysan ama u maqal cadeynta hadalkaasi halkan ka eeg : http://www.voasomali.com/search/?k=Aas- ... 20#article.
Dhinaca kale Col, Barre Hiiraale waxaa uu ahaa nin dagaal adeg la galay kooxda Al-Shabaab, Xisbul Islaam iyo Maxkamadaha oo uu dhamaantood kuwada jiray Ahmed Madoobe!! Yaabku’se waxa uu yahay in Ahmed Madoobe iyo xertiisa leeyihiin “Barre Hiiraale ayaa Al-Shabaab ah”.
Dagaalka Soomaaliya ka socda oo ay ka qeybqaadanayaan dalalka deriska iyo dowlada Soomaaliya ujeedkiisa waa in la ciribtiro dhamaan wixii qaba fikir xagjirnimo iyo in magaca diin dadka lagu laayo. Taasi marka la leeyahayna waxaa qeyb ka ah in Raaskambooni iyo wixii ku jiray si tartiib ah loo xidido siibo.
Howlgaladada cusub iyo Cabsida Kismaayo .
Sida uu sheegay Col, Barre Hiiraale waxaa uu dhawaan qaadi doonaa talaabooyin lagu xaqiijinayo gaarista himiladooda. Waxaana uu si gaar ah u sheegay inuusan waqti badan u harin jiritaanka Raaskambooni iyo inta yar ee la socota.
Ciidanka jooga Goobweyn oo ah kuwa isugu jira ciidanka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Col, Barre Hiiraale ayaa dhawaan sameeyey dhoola-tus cabsi gelisay Kismaayo. Waxaana ay taasi keentay in ay af -labadii yeeraan ragga Kismaayo jooga illaa ay socdaal degdeg ah ugu ambabaxeen Adis Ababa si ay ugala soo tashtaan dhexdhexaadinta Barre Hiiraale iyo Ahmed Madoobe.
Hishiiskii Adis ababa oo u burburay Ahmed Madoobe dartiis iyo Goáanka dowlada qaadan doonto.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay 28-08-2013 kula hishiisay Adis Ababa Ahmed Madoobe iyo maamulkiisa qabyada ah. Waxaana hishiiska ku jiray in ciidanka banaanka jooga oo ay ku jiraan kuwa mucaaradka iyo dowladaba la soo xareeyo, in dekeda iyo garoonka Kismaayo dowlada lagu wareejiyo iyo in shir dib u hishiisiin ah lagu kala qabto Muqdisho iyo Kismaayo oo marka danbe ah. Laakiin waxaasi oo dhan midna kama fulin Ahmed Madoobe.
Dowlada Soomaaliya ayaa kadib bilowday inay liifada u gaabiso Jubba illaa laga fulinayo wixii lagu hishiiyey. Waana midda maanta keentay inay dowlada Soomaaliya ogolaatay in Muqdisho lagu qaban karo shirar iyo kulamo ay qabsadaan mucaaradka Jubba. Go”aankan ayaana wax ka badelay xirirkii horey uga xumaaday dowlada iyo Col. Barre Hiiraale.
Cabbaas ka Guddoomiye kuxigeenka ka ah Golahan cusub, Ma Cabbaas Gureey baa mise waa Cabaas kale?
Ayaandarada iyo aqoon la’aanta heysata kuwan wax u qora Ahmed Madoobe waa inaysan aqoon madaxda ay wax ka qorayaan magacyadooda oo sadexan iyo muuqaalkooda midna. Mar ayaan is dhahaa ” Tollow kuwani miyeysan Soomaali laheyn” Maxaa yeelay qaladka magac iyo muuqaal mid yar ma ahan.
Bal aan idin baro muuqaalka iyo Magaca nin ah guddoomiye
kuxigeenka gollahan waa Cabbaad Maxamuud Cadow, kaasi oo haddii aad qabiil ahaan rabto inaad barato ah (Gaaljecel). Waxaase ay u qaateen ragga Kismaayo jooga inuu ninkaasi yahay Cabaas Gureey oo magaciisa oo buuxa uu yahay ” Cabbaas Ibraahim Gureey” Ama Cabbaas Taxle. Malaha cabsi ay ninkaasi ka qabaan ayey magacaasi iyo wixii la baxaba u heystaan inuu isaga yahay.
Laakiin waxaa xaqiiqo inuu Col, Cabaas Gureey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ku jiro dadaalada wax looga qabanayo nidaamka Kismaayo, maadaama ciidankiisaba ay joogaan Goobweyn. Waxaana sarkaalkan lagu xasuustaa wax u qabashada shacabka gobolladaasi degan iyo taageerida had iyo jeer nidaamka dowladnimo inuu hirgalo.
Dadka degan Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa muddooyinkii ugu danbeeyey ka dhexeeyey is-faham- waa xooggan kaasi oo uu sabab u yahay Ahmed Madoobe oo sheegtay inuu madaxweyne ka yahay maamulka Jubbaland, inkastoo madaxweynenimadaasi ay dowlada Soomaaliya ka diiday balse markii danbe lagu qanciyey inuu ku badesho (Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Jubba). Maxaa yeelay dad badan ayaa Madoobe ku xasuusta xasuuqii Dhoobleey iyo dhibkii ay geysteen ciidankiisii maxkamadaha Islaamiga ah.
Ciidanka Kenya ayaa la goáamiyey inay ka baxaan Kismaayo. Waxaana taasi badelkeeda iman doonaa ciidamo dhexdhexaad ah kuwaasi oo aan qaadan doonin amarada hadda uu Madoobe siiyo Kenya. Iyaddoo middaasi ay ku abuurtay cabsi xoogan oo ka dhan ah ciidanka banaanka jooga oo aan markaasi awoodooda ku iman doona, maadaama AMISOM soomaalida dhexdeeda faragelin ku sameyn karin ilaa iyo Al-Shabaab mooyee.
Doorka maanta iyo Barre Hiiraale.
Waxaa loo arkaa inusan Barre Hiiraale ka tanaasulin xilkiisii madaxweynenimada Jubbaland balse uu u talaabsaday hoggaan cusub oo ka duwan waxa ay wada sheeganayaan madaxweynayaashan tirada beelay ee kala jooga Kismaayo, Baydhabo iyo Afgooye kuwaasi oo nuxur dilay xilkii madaxweyne iyo nidaamkii federaalnimada ee dowlada Soomaaliya ku dhisneyn.
Xeeldheerayaasha la socda siyaasada geeska africa gaar ahaan tan Soomaalida ayaa sheegay inuu Barre Hiiraale iyo golaha cusub la yimaadeen qorshe dunida la fahmi karto oo wax looga weydiinayo masiirka ummada ay matelaan.
Waxaan kusoo xirayaa qoraalkeyga (Col, Barre Hiiraale kama noqon madaxweynenimada Jubbaland ee waa Talaabsaday) .
Ahmed Maxamed Maxamuud
Kismaayo-Soomaaliya.
FG: Qoraalkan waxaa uu u gaar yahay qoraha ku saxiixan, mana ahan mid ka tarjumaha warbaahinta madaxabanaan ee Kismaayo24. Waxaana soo dhaweyneynaa in shacabka ay aragtidooda si xornimo ku jirto isku dhaafsadaan.
Wixii qoraal ah kusoo hagaaji oo aad rabto inay K24 kusoo daabacdo kismaayo24@yahoo.com .
Mahadsanidiin.

original dervish
- SomaliNet Super

- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Hassan Sheikh has proved himself to be totally dishonest.
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
big meeting in xamar col cabbas col hiraale deputy minister cadow + kaliil on phone seems like madoobe exit is soon
-
original dervish
- SomaliNet Super

- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
There will be no winners if war breaks out.
-
MarsinQorahay
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3328
- Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
- Location: Hawd bartu geela ka daaqo.
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Never give up
you've been threatning Ahmed Madoobe from 2012 to 2014 

Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
it is amazing crying ceremony held in mogadishu. keep on crying 
-
Nomand
- SomaliNet Super

- Posts: 7584
- Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
- Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Col. Barre Aden hiiraale the only old school soldier left standing. Awarded the highest bravery medal in 1977 war, defeated aideed and killed his second in command in the deep south, conqueror of kismaayo. Deafeted Morgan, afgaduud and Abdullah yusuf. Defeated the great snake madoobe but was overwhelmed by Kenyan army. Supreme commander of Beesha sade and the rightly guided ugaas. He will have his revenge.
-
original dervish
- SomaliNet Super

- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Somalia has moved on from "moryaan politics".
Get with the times.
Get with the times.
- Substance
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3831
- Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
- Location: Under The Neem Tree
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Nomand wrote:Col. Barre Aden hiiraale the only old school soldier left standing. Awarded the highest bravery medal in 1977 war, defeated aideed and killed his second in command in the deep south, conqueror of kismaayo. Deafeted Morgan, afgaduud and Abdullah yusuf. Defeated the great snake madoobe but was overwhelmed by Kenyan army. Supreme commander of Beesha sade and the rightly guided ugaas. He will have his revenge.
I welcome this meeting and the outcomes that follows. The killing of innocent marehans will not go unanswered.
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
In other words Hiraale was defeated by an untested force (Kenya) which has never been involved in modern urban battles, let alone a war.Nomand wrote:Col. Barre Aden hiiraale the only old school soldier left standing. Awarded the highest bravery medal in 1977 war, defeated aideed and killed his second in command in the deep south, conqueror of kismaayo. Deafeted Morgan, afgaduud and Abdullah yusuf. Defeated the great snake madoobe but was overwhelmed by Kenyan army. Supreme commander of Beesha sade and the rightly guided ugaas. He will have his revenge.
That's quite embarrassing for a so-called "great commander"
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon

I gotta give this nigga some credit though. Barre is still standing.

- metamorphosis
- SomaliNet Super

- Posts: 6039
- Joined: Mon Sep 26, 2011 2:05 am
- Location: Cali iyo haaruun, miyaa gabal isaaq ciilay? Reer Cali miyaa wada cuskaday, curadadii reerka?
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Internedyada in laga xamaasho miyuu xalku gaadhay? 
-
original dervish
- SomaliNet Super

- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Credit his hagite handlers.....it is they whom finance and arm him.
-
Nomand
- SomaliNet Super

- Posts: 7584
- Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
- Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
What u fail to understand is that Barre hiiraale is a tactician and a great strategist, he graduated from west-point in america the greatest military academy in the world. Col hiiraale will not risk the lives of his men against Kenya who are propped up by amisom. He will sit and wait for an opening and when he sees he will pounce. No one in Somalia can match Barre hiiraale when it comes to warfare.Colonel wrote:In other words Hiraale was defeated by an untested force (Kenya) which has never been involved in modern urban battles, let alone a war.Nomand wrote:Col. Barre Aden hiiraale the only old school soldier left standing. Awarded the highest bravery medal in 1977 war, defeated aideed and killed his second in command in the deep south, conqueror of kismaayo. Deafeted Morgan, afgaduud and Abdullah yusuf. Defeated the great snake madoobe but was overwhelmed by Kenyan army. Supreme commander of Beesha sade and the rightly guided ugaas. He will have his revenge.
That's quite embarrassing for a so-called "great commander"
-
The`Republic
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4133
- Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm
Re: Col, Barre Hiiraale Madaxweynaha Jubbaland kama noqon
Barre sat in the Ceel-waaq border for how long before taking down Col Shabeel's head and making Caydiid and USC run from Gedo in a night.
He sat in Goobweyn before moving to Kismaayo and making Morgan forever exiled from Somalia.
He sat in Muuri near Baardheere for a year before striding back in Kismaayo after ICU.
He sat in baadiyaha Dollow for 2 years after Al Shabaab before coming to Kismaayo on a high speed boat and crowning himself President in a day.
He has only been in Goobweyn again for mere months. Sooner or later, the Kenyan plan will taste the final result because history has shown Barre forever outlives his temporary enemies.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 33 Replies
- 2721 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 6 Replies
- 782 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 795 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 21 Replies
- 2025 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 24 Replies
- 2438 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 16 Replies
- 1567 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 9 Replies
- 2253 Views
-
Last post by Eaglehawk
-
- 11 Replies
- 3517 Views
-
Last post by Adali
-
- 9 Replies
- 715 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 621 Views
-
Last post by MarsinQorahay