Somali PM & Cabinet meeting with Somali Ulema -pics

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Somali PM & Cabinet meeting with Somali Ulema -pics

Post by XimanJaale »

The Somali cabinet had a consultation with the Somali Ulema today in order to fight against the un-Islamic ideology of Al-Shabaab.

Image

Image

Image
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Shiikh Axmed oo maanta kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay culummada Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku dhiirri-geliyay hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan dowladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Kulankan oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda xukuumadda Somalia ayaa labada dhinac isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee ay uga qaybqaadan karaan culummada iyo dowladdu dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Ujeeddada kulankan waxa weeye in culummada diinta maaddaama ay meel sare kaga jiraan bulshada ay dadaalkooda ku biiriyaan halgankan lagula jiro kooxda Al-shabaab. Waa inaynu u midownaa dagaalkan, waxana muhiim ah in culummadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed.” ayuu yiri ra’iisul Wasaare C/weli.

Sidoo kael, ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeeddooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka, waxay dadka ku bartilmaameedsanayaan goobaha cibaadada iyagoo aan cidna u aabboyeelayn. Dowladda Soomaaliya waxay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaas looga sifayn lahaa dalka.”



“Xukuumadaydu waxay ballan-qaadaysaa inay kaalin mug leh siiso culummada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabab. Kaalinta culummadu waxay noqonaysaa mid wax ku-ool iyo laf-dhabar ah, waxayna ka qayb-qaadanayaan talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Waxaan halkaan si dhab ah uga ballan-qaadayaa in la furo xafiis aad ku shaqaysaan oo aad hawlihiinna ku qabsataan,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mar kale yiri.

Dhinacooda, culummada Soomaaliyeed ee ka qayb-galay kulankan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ay dowladda Somalia ku hawlgelinayso cuumada si ay uga qayb-qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, waxayna balan-qaadeen in ay ka qayb-qaadanayaan dagaalka lagula jiro Al-shabab, iyagoo caddeeyey inay fikir iyo xoogba ku gacan siinayaan dowladda oo ay ku tilmaameen “Dowlad Muslim ah oo aan hub lagala hor iman Karin”.

“Culumadu waa hoggaamiyayaasha bulshada, waana kuwa ugu habboon ee wax u sheegi kara shacabka ama abaabuli kara. Laga soo billaabo halgankii xorriyada kaalin weyn ayaan ku lahayn, haddana waxaan diyaar u nahay inaan dagaalka galno oo safka hore tagno si aan u dhiirrigelini ciidamada xaq-u-dirirka iyo mujaahidiinta ah ee Soomaaliyeed.

Waxaan diyaar u nahay inaan u tagno dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka ee geesiyaasha ah oo u sheegno in ay ku taagan yihiin dariiqa saxda ah,” sidaasi ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo goobta ka hadlay
User avatar
jamal9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2972
Joined: Tue Jul 02, 2013 2:41 pm
Location: Life is a bitch then you become one

Re: Somali PM & Cabinet meeting with Somali Ulema -pics

Post by jamal9 »

Grow a beard before you can call yourself an Ulema

.
Image
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Somali PM & Cabinet meeting with Somali Ulema -pics

Post by XimanJaale »

Firstly you dont need a beard to be a ulema. A ulema is a person that has studied the deen extensively. Secondly I never said the PM is a Ulema. Read the thread title and the content of the thread. So all you are doing is trolling you sad pathetic eydoor.
SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Re: Somali PM & Cabinet meeting with Somali Ulema -pics

Post by SecretAgent »

Thy r not ulema but al islaax members :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”