Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay G/Banaadir?

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay G/Banaadir?

Post by THE_TRUTH1 »

Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay G/Banaadir
Published on March 17, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,566 views


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa soo saaray wareegto xilkii looga qaadayo Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan.

Wareegtada xilka looga qaaday afhayeenkii hore ee Gobalka Banaadir ayaa soo baxday maanta oo Isniin ah, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan oo noqonaya afhayeenka cusub ee Gobalka Banaadir.

Afhayenkii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka hadlay xilka qaadista maanta lagu sameeyay ayaa soo dhaweeyay, isaga oo si wanaagsan xilka ugu wareejiyay afhayeenka cusub.

Mudane Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan afhayeenka Gobalka Banaadir, ayaa umahadceliyay afhayeenkii hore shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu soo qabtay.

Arintani ayaa qeyb ka ah isbedelada Maamulka Gobalka Banaadir lagu sameeyay, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenadii Gobalka Banaadir xilka lagawada qaaday.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay G/Banaadir?

Post by THE_TRUTH1 »

Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan ?


- Can someone tell us history of the man ? what influence does he have in Mogadishu ?

Gen Indhaacad should get a position as head of the security in Banadir - The man is feared In Mogadishu plus the Man can Produce good loyal Soldiers .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”