

Arbaco, Maarso 26, 2014 (HOL) —Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo uu horkacayey safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya dan-jire Maxamed Cismaan.
Mas'uuliyiin badan oo dowladda Puntland ka tiran oo isugu jirey wasiirro, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa wafdigaas si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey.
Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo garoonka dhexdiisa warbaahinta kula hadlay ayaa si kooban uga warbixiyey wafdiga ka socda isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo weliba ujeedada ay xilligan Puntland usoo gaareen
Wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyni ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dhinac [Puntland iyo UAE] islamarkaana ay u indho-indheyn lahaayeen mashaariicda ay dhaqaalaha ku baxa iyagu bixiyaan ee xilligan Puntland ka socda.
Dan-jire Maxamed Cismaan oo isna si kooban u hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu magaalada Boosaaso kusoo gaarey oo ah tii ugu horreysey ee abid uu ku yimaado, wuxuuna intaas ku daray in muddada uu Boosaaso ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ka taageera dhanka la-dagaalanka burcad-badeedka, waxaana xusid mudan in Dowladda Imaaraadku ay bixiso kharashka ku baxa ciidamada badda ee Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online