
Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuh ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii Siilaanyo iyo qaar ka mid ah xubnihii sheegtay Alshabaab ayaa laga saaray Gobolka Sanag, kadib dagaal culus oo saakay dib uga bilowday Ceelbuh.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay magaalada uga baxeen xeelad, markii dhinacyo badan uu weeraro kaga yimid, waxaana ay ku sugan yihiin duleedka galbeed ceergaabo. Dadweynaha ayaa isugu soo baxay magaalada markii dagaalka lagu kala baxay, hase ahaatee waxaa jira saan saan dagaal.
Afhayeen u hadlay Ciidaanka maakhir ayaa sheegay in duleedka magaalada ku sugan yihiin, isla markaanaay isaga baxeen magaalada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saanad la’aan darteed ay uga baxeen magaalada, iyadoo ciidaanka maakhir jawaab fiicaan siisay ciidaanka siilaanyo oo tageero kaa helayaa alsahbab.