Silsiladii gabayada ee siyaasiinta

Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Silsiladii gabayada ee siyaasiinta

Post by Faarax-Caytame »

Waa silsilad laga matalahayo siyaasiinta Soomaaliyeed iyo doodaha dhex yaala oo laga cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen.

Nuune Madoobe, ahna ninka hada sheegtay madaxa lixda gobol ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe.
Wuxuu yidhi Nuune;

Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay'e
Ninka garan halkaad degi jirtaan looma duur galo'e

Godka Dahare goonyaha Dalaad gebiga Shaygoosh ah
Gabo-gabo Xaraar iyo Bankiyo Gowga iyo Laago
Abidkaaba Galadiid ayaad gole dhex taagneyd'e

Goofyaha Kismaayona anaa joogay gudaheed'e
Soo galooti baad nagu aheyd gu'gan hortiisiiye
Bal gar qaata taariikhdu waa gun weyntahay'e !


Waxaa kasoo jawaabay tixdaas korre, Axmed Madoobe ahna madaxweynaha Jubba.
Wuxuu yidhi Axmed;

Kol Alloon ka gaabsado tixaha geesna uba leexsho
Ayunbay rag noo soo gudbaan or iyo geeraar'e
Gabaan waliba maansada galyoo nagu galaal-xoorye

Lixda gobol ninkaa sheegtay ee gooddi laga keenay
Gogoshiina nagu heysta ee naguba soo guurey
Ee guluf abaabulahayaa siduu goolka dhalinaayo
Gudcur buu gudaayaa habeen meel gol iyo laag'e

Gufaacada dagaalkaan ninyahow geli naqaanaaye
Barre-Hiiro Goob-weyn ka carar gudub usii dhaafye
Ragii Xamar kasoo guuxi jirey way gabanayaan'e
Adiguna geddii baad tahoo gumac ma tuurtaan'e
Bal guddoonka aan sugo kolley teydu ii go'ane !


Silsiladii waxaa kusoo biiray madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlaya labadaa ninee korre, isagoo waliba garabka saaraya una hiilinaya Nuune Madoow.
Xasan Wuxuu yidhi;

Raga garida ii tumanhayee labada gees jooga
Garaad maleh warkiinuye anaa taliya guudkii'e
Amarkeyga kii garab maraa waan gembinayaaye

Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay
Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri Waamo

Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay
Guda-faqa ragii wada shiree wada go'aan qaatay
Ee gacal ahaa baynu nahay waad i maan garan'e

Garab iyo itaal iyo haddaad guuto iga dooni
Golahaaga waan buuxin oo gaadhiyaan tubiye
Adna igu gargaar oo ilaa xeebta guluf geeya

Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri waamo
Geed-khadhaadhka nimankaa noqdee gumac afuufaaya
Ee Kismaayo gaaf-meerayee loogu geli waayay
Galbeed bay ka keeneen Gogliyo Godey agteediiye
Garloogube Awaariyo Wardheer Faafan gudaheeda
Gaarisana badh baa soo bixiyo gaasas xoog badan'e

Qaramada Midoobey Giriig Golaha iiyuuda (EU)
Gebiyada Statekiyo Latiin guudka Carab oo dhan
Gaalliyo Islaamkaba fariin yaw gudbinayaaye

Axmed inaan garaacnoon dhamaan gooni ka ahaano
Ayey talo kusoo biyo go'dee gacanta ii dhiibo
Haddii kale gumoobaye Absame haygu geeraaro
Ha garaaco dhaantoda illeen goofkii iga qaadye !


Reysul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn baa daf soo yidhi Silsilada, isagoo diirka ka qaaday, Nimankan is heysta inuusan kala jecleyn oo uu kolba mid hubeyni, si ka kale loo jebiyo
Wuxuu yidhi Hailemariam Desalegn;

Ardi Sababa anigoo fadhiya saxarkan soo duulay
Ee niman la seegseegayeen saaka iyo maanta
Bal aan sawdka eegoon tixaha saadka ka higaadsho

Sayid Maxamed baa nagu yaqiin dirirta sooyaan'e
Dhaaxuu na soo galay isoo faraskii saarnaaye
Dhaaxuu na siibtoo na jaray subax arooryaad'e

Ana ciilka igu saaqsan baan idinku seeteeyn'e
Soomaalida ninkii dilahayaa saaxib baan nahaye

Qori Szuu ah maarraha sinsiman waan ku saacidiye
State been ah anigaw sameyn sabada reerkiis'e
Saf saf baan ukakala goynayaa calana waan siin'e

Nin walaalkii seef marinhayaa anaa u soofeyn'e !
Mid aan siray mid aan soomiyiyo mid aan saqiireeyay
Sadexdaa inaan kula dhaqmaa waa saxiix dhab ahe !


Intaas kadib waxaa maqlay in silsiladi furatay Bare Aadan Shire-Hiiraale, isagoo gar u heysta eedna saaranaya Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu Yidhi Barre Hiiraale;

Xasanow sidaad ii gasheen saaxiib maan rabin'e
Sabaaxada sidaad i ridaan wali u seexdaaye
Sidaan geed u saarnaa ayaan suuxay oon dhacay'e
Sababtaba adaa keenayoo waad ii sixirteen'e

Surimaha Kismaayaad i tidhi qeylo soos geliye
Adaa yidhi Sarkaalaan ku siin saajac oon baqan'e
Adaa yidhi Statekaba qabsoo sahalna weeyaan'e
Adaa yidhi ku sii soco ilaa xeebta oo sax ah'e
Afar gees sanbuuskii lahaa suuqa laga waa'e
Sahan baas adaa ii diroo saaftay hilibkay'e

Suryo oodan baad igu rideen saymo aar galay'e
Saantii joogsan weydaa mar bey sahayan ceebtaas'e
Nin eersan maayo'e sidaa yeelay sifaheed'e
Allahayow adaan kuu samree suubi taladeyda !


Xasan Sheekh kama uusan garaabin eedii loo soo jeediyay ee Barre Hiiraale soo diraye, wuxuu eedii dusha ka saaray Reysul wasaarihii horree Soomaaliya Saacid Shirdoon;
Wuxuu yidhi Xasan;

Barre Shirow bilaash kuma hadliyo baanisiyo faan'e
Runta lagama beydhee xaqaa lagu badhaadhaaye

Boholaha laguu qoday godkaa lagugu biimeeyay
Balaayada adaa raadsadoo galay barteediiye
Bahalada shabeelkiyo libaax buladlihi Aarka
Baarqabada Ogaadeen adaa doontay berigiiye
Banaankaaga jooga ragaa looma soo baxo'e

Ninka buunka kuu tumay sidaad dhaanto baraneyso
Baaruudana ku siiyee qoryaha badana kuu keenay
Ee yidhi baqoolaha gal oo Jubbada balali oo qiiji
Ee bidhaan fog kuu muujiyee beenta kugu miisay
Bi'waaye saw Saacidkuba adi bahdaa ma,aha !


Abwaan Golduulaan, Aar-tubane@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”