Furashadii Boqorkii Shinnida 11-kii April 1983

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Furashadii Boqorkii Shinnida 11-kii April 1983

Post by KingWaslawi »

11kii April 1983 iyo Furashada Boqorkii Shinnida !
Waxaa 12ka April goobo Xamar ku yaala looga dabaal degay waxa loogu yeedhay maalintii aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidankaas maanta la xusayo oo badi shacbiga Soomaaliyeed ay u aqoonsan yihiin kuwii masuulka ka ahaa qaran jabkii ka dhacay dhulweynihii Somaliya la isku odhan jiray oo ay Somaliland ka mid ahayd, iyada oo Ciidankii Xoogga Dalka ee waagaas jiray ay ka baaqsadeen inay Dalka ka qabtaan kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre oo maamulkiisu uu qaloocday, Sidoo kale Ciidankaas Xoogga Dalka la odhan jiray waxa ay sumcadiisii dhimatay markii uu shacbigii uu difaaci lahaa dib ugu soo jeestay ee uu xasuuqay Shacbigiisii ay ahayd inuu ilaaliyo iyada oo Ciidankaasi Xasuuq naxariis darro ah kula kacay shacbigii ku noolaa dhulkii hore loo odhan jiray Gobolada Waqooyi, maantana ah Jamhuuriyada Somaliland.
Hadaba Qoraalkan hoose waxaan ku xusi doonaa dhacdo yaab leh oo Magaalada Hargeysa ka dhacday habeen loo dabaal degayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd 12kii April 1983kii.
Waxay ahayd uun wakhtigaas wax yar ka hor gaar ahaan dhamaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, xiligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumadii haligantay ee Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaanay gobalada waqooyi xiligaas.
Si hadaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debada ahba, una muujiyo awoodiisa ayaa waxa uu go’aansaday in uu hawlgalo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo dalka gudihiisa ay ujeedadiisu ahayd Naafaynta Dawlada, Argagax galinta Maamulkii Siyaad Barre iyo Muujinta la muujinayay in dunida la tuso in aan shacbiga gobolada waqooyi marnaba raali ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumadii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa. Hadaba Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu talaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar qabayaasha ahayd ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa.
Bishii Decembar ee sanadkii 1982kii ayaa waxa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taala ay SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah: Mujaahid Cabdi Salaan Turki Maxamuud oo imika dalkan UK ku nool iyo Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad oo dhawaan ku geeriyooday Hargeisa.
Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa. Ujeedada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaadeen waxay ahayd laba ujeedo oo kala ah:
A. Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii ciidanka dawlada ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawlada kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bar tilmaameed ka dhiganayay inay qadiyda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeeday beelihii taageeri jiray ururkii SNM.
B. Ujeedada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo dhawaan dalka Kenya ku geeiyooday.
Hadaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeena ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan Maxamed Xaashi Gaani ayaa nasiib darro dhacday oo waxa ay Dawladu si lama filaan ah ay gacanta ku dhigtay Muj. Cabdilaahi Askar Barkhad, taariikhduna waxay ahayd Sagaalkii bishii April ee sanadkii 1983kii.
Waxaa taasi ay noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM, waxaana ay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawlada, gaar ahaan taliyihii qaybta 26aad gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u damaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay BOQORKII SHINIDA oo uu ula jeeday Cabdilaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa. Gaani waxa uu markiiba damaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii muqdisho gaar ahaan kaligii taliyihii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Markiiba talo ayaa ku cadaatay dadkii taageeri jiray SNM waxaana ay aamineen in maalmo yar gudahood Cabdilaahi Askar badhka la taagi doono oo toogasho lagu dili doono, nasiib darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan Maxbuuskaas SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayay. Cabdilaahi Askar waxaa markiiba loo qaaday Xarunta Miiska saraakiisha , waxaana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee qaybta 26aad ay ku lahayd magaalada Hargeysa.
Waxaa markiiba Cabdilaahi lagu bilaabay jir dil iyo garaacis aad iyo aad u daran, taasoo xanuunkeeda aanuu qiyaasi karin qof aan gacanta u galin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyay ku tumashada xuquuqda aadamaha “mar kaliya ayay igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayay, waxaanan dhulka galgalanayay aniga oo miyir doorsoomay” sidaas waxaa yidhi Danjire Cabdilaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jir dilay ee loola dhaqmay markaas la qabtay.
Waxaa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya, waxaa laga garaacay Ilkaha waxaana markiiba laga soo tuuray todoba ilig, waxaana la jabiyay shan feedhood iyada oo si naxariista ka fog looga garaacay xididada iyo xubnaha dareenka, waxaa taasi u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaani la dul yimi Cabdilaahi oo dhiig ka da’ayo.
“Waxaad ahayd sarkaal bilad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay Ciidankaagii kuliyada milatariga ee Ameerika kuu diray, maxaad iga filanaysaa” Sidaas waxaa yidhi gacan ku dhiigle Gaani oo ul yar gacanta ku haysta waardiyayaashiisiina ay la socdaan ayuu yidhi Cabdilaahi Askar
Cabdilaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna uu aad u damqanayo ayaa ugu war celiyay Bilada geesinimaan ku helay ee been been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankaan baasay ayaan ku tagay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho ayuu Cabdlaahi cod hoose ku yidhi.
Waxaa markiiba uu Gaani wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd waxaana uu u sheegay in uu gacanta ku dhigay Boqorkii Shinida ee SNM, waxaana uu dadweynihii reer Hargeysa Gaani u balan qaaday inuu Maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xaflada debaaldega wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd Maalintii la aasaasay wixii la odhan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habaabay.
Xiligaas dadweynaha reer Hargeysa ee isu diyaarinayay inay xafladaas ka qayb galaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budad iyo Middiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taagooda ah, taasina waxay ahayd talaabo is miidaamin ah oo halis ahayd.
Xadhigaas Cabdilaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyay Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.
”Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur waxa uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaana uu ahaa nin haybad leh oo ay tix galin jireen ciidamadii dawladu” Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Askar oo aan waydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo in kale.
Xaalada Rejo ama filasho ee Cabdilaahi uu filanayay waxa uu cawaaqibkiisu noqon doono markaas uu miiska saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka waydiiyay Cabdilaahi waxa uu ku jawaabay ” Qadarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo aan filanayay in jeelkan aan ka bixi doono iyada oo aan ku kalsoonaa in aan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda” waxaana uu Cabdilaahi ii sheegay in uu mar walba sugayay goorta ay albaabka kasoo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.
Laba Cisho markii uu Cabdilaahi ku xidhnaa miiskii saraakiisha ee ay taariikdu ahayd 11kii April ee sanadkii 1983kii saacaduna ay tahay shantii iyo badhkii galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.
Waxaa xeradii soo daf yidhi ciidan uu Hor kacayo Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay Cabdilaahi Askar wada socdeen, waxaana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhex maray Ciidankii Ibraahin Koodbuur watay iyo kuwii dawlada ee miiska saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxaa bilaabantay xabad aad u kulul oo dhex martay labadii Ciidan.
Waxaa goobtii ku naf waayay sodomeeyo ciidankii dawlada ka tirsan, Ciidankii Ibraahim Koodbuur uu hor kacayayna waxaa ka dhintay Ilaah naxariistii jano ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab “Hargeisa Club”. Waxaana dhaawacmay geesi kale oola odhan jiray Siciid Cabdi Dalabay.
Markiiba qolkii uu ku jiray ayaa Cabdilaahi ay kala soo baxeen waxaana ay ku soo qaateen gaadhigii ay wateen, waxaana ay kor usoo qaadeen wadada tagta xaafada Isha Boorama ee magaalada Hargeysa iyaga oo ka soo dhex dhacay dalcada Ina Naxar, wax yar ka dibna waxay uga sii gudbeen dhinaca Masalaha oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobtaas ay ku tukadeen laba ragcadood oo Salaatul-shukrri ah.
Hadana waxay kor usii qaadeen dhinaca wadada tagta tuulada Gumburaha iyaga usii gudbay dhinaca tuulaha Gumar halkaas ayaanay iskaga hor yimaadeen ciidankii dawlada oo raacdo ahaa kuna daba jiray, ciidankaas oo ka soo dhaqaaqay Xeryihii ciidamada Dawlada ee ku yaallay degmooyinka Bali Cabane iyo Bali Gubadle, goobtaas ayaanay dagaal qadhaadh la galeen ciidamadii Dawlada, waxaana halkaas ay ku dileen oo ku dhintay Lix askari oo ciidankii dawlada ka tirsan.
Dagaalkaas ka dib waxay usoo jihaysteen oo ay markii danbe soo gaadheen tuulaha Xarshin ee ku yaala gudaha Wadanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay Rabi naxariistii jano haka waraabiyee.
Sidaas ayaana Geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ay ku soo badbaadiyeen Allah ha u naxariistee Cabdilaahi Askar, markiiba ay ka qayb qaateen halgankii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, waxaana uu Mujaahid Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday Tuulaha Rabaso ee dalka Itoobiya sanadkii 1987kii Rabi Naxariistii jano haka waraabiyee,
Geesinimadii ay Ibraahim Koodbuur iyo kooxdiisu ku badbaadiyeen Ibraahim Askar ayaa noqotay taariikh lama ilaawaan ah oo noqotay mid ku suntan Taariikhaha Dahabiga ah ee reer Somaliland, waxaana dhacdadani ay qalbi jab iyo naxdin ay ku riday Xukuumadii Maxamed Siyaad Baarre gaar ahaan Taliyihii Qaybtii 26aad ee Maxamed Xaashi Gaani oo ku guul darraystay inay Geesigii Ibraahim Askar Muqdisho u gudbiyaan si inta ay ugu faanaan oo ay Warbaahinta hor geeyaan ay ka dibna deldelaan oo ay dilaan. Taariikhdan iyo taariikho badan oo kale oo aynu soo marnayba waxay iftiiminayaan dariiqii dheeraa ee loo soo maray Xorriyada qiimaha badan ee ay shacbiga reer Somaliland ku naaloonayaan maanta , xorriyadaas oo ah mid lagu ilaalin doono Awooda Shacbiga geesiyaasha ah ee reer Somaliland.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Furashadii Boqorkii Shinnida 11-kii April 1983

Post by HooBariiska »

sxb if u gonna copy and paste, at least put some break points between paragraphs...wtf did I just attempted to read
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”