
gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Daaci, laga qaaday xilkii uu hayay kadib wareegto ka soo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Wararku waxay sheegayaan in gudoomiye Daaci, lagu wargaliyay xil ka qaadistiisa, laakiin waxaa la sheegay dood iyo muran badan kadib inuu ku dooday in qeybta ugu muhiimsan jidhkiisa uu ku waayay la dagaallanka kooxda mayelka adag ee Al-Shabaab.
Axmed Daaci, ayaa fursad aanu helin gudoomiyeyaasha kale la siiyay, waxaana loo sheegay inuu keensado qof u qalma xilka gudoomiyaha degmada Wadajir oo isagu uu ku kalsoonyahay si’ beesha DAA’UUD, ABGAAL, HAWIYE u sii heysato xilka degmada Wadajir.
Dhanka kale waxaa Mr. Daaci uu ku qancay soo jiidinta Muungaab, waxaana uu jagadaasi uu wakiishay Xasan C/qaadir Muudeey oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon xisbiga nabadda iyo Horumarka ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Xisbiga talada haya ee Xasan, waxaa ku hoos duugan calanka urur diimeedka DAM-JADIID, waxaana la sheegayaa in Xasan Muudeey uu kamdi ahaa gacan yarayaashii Xasan Sheekh waagii doorashada 2012, waana nin aad uu ugu kalsoonyahay ururka Dam-Jadiid.
Warar qarsoodi ah oo ay heshay Shabakada waxay sheegayaan in Xasan Muudeey, uu sidoo kale ka soo baxay Jaamacadda SIMAD ee uu Xasan Sheekh ka ahaan jiray gudoomiye, waana nin ay sidoo kale isku xaafad deganaaayeen Xasan Sheekh Maxamuud.
Dad aad u yaqaan Xasan Muudeey, ayaa sheegay inuu yahay wakiilka xisbiga nabadda iyo hormarka u qaabilsan qaaradda Yurub, wuxuuna dhashay 13-ka March sanadkii 1986-kii, isagoo wax ka bartay dugsiga sare ee Al-Masal.
http://warsahal24.com/wp-content/upload ... 04/x-m.jpg
http://badweyn.com/sir-culus-muungaab-x ... o-sawirro/