Now enjoy this:
Qalanajadii hablehee qoodha loo xushiyo
Qoraxeey dhashasheedii Alloolow la ii quraa
Qunyar socokda talaabada ay qaadey
Baan u qashuucayoo ku hantiday qalbiga
Qoorta dhabiga iyo dhexda labada qaar
Quruxdaa dhameysan baan ku qaayibee
Qasnadaha jirkiyo qoorta iyo wadnaha
Adaan kugu qoree ila qabo jeceeyl
Hoyga quruxdee ee qaayib lagu dhaqdiyo
Qabri-Dahar nin tegay soo ma’arag qureesh
Hadaan qaraafmo oon qudh baxo dartaa
Maalintaa qiyaamaha qiil miyaad u heli
Qiyaas geel ah iyo qeyro aan kaa baxshee
Qureeshtii degaan kaay qabuul matahay
Qasnaha jidhkiyo qudhaa wadnaha
adaan kugu qoree ma ila qaban jeceeyl.


