MUUSE vs SILANYO POLLS?!
Posted: Thu May 15, 2014 12:59 pm
Arbaca 14 May 2014 Hargeysa (HALBEEG)–
Waxaanu ku bilaabayna magaca ilaahay,
naxariis badnaha, waxaanu ilaahay hortii
magan uga nahay in natiijadani ay tahay mid
xor oo xallaal ah isla markaana aanan waxba
ku darin, waxba ka bedel, waxba ka dhimin,
waxbana ku kordhin.
Yaad U Dooran Lahayd Musharaxa Xilka
Madaxtinimada Xisbiga KULMIYE
Doorashada 2015
Shabakadani caalamiga ah ee Halbeegnews
ayaa 05 bishani May sannadkani 2014, waxay
soo bandhigtay cod uruurintii ama ra’yi
uruurintii ugu balaadhnayd ee abid shabakad
ama warbaahin laga leeyahay Somaliland ay ka
uruuriso shacabka Somaliland, anagoo
daraasad kooban oo aanu samaynay ku soo
xulay afar masuul, siyaasi oo haldoor u ah
xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE,
oo aanu u arkaynay inay noqon karaan kuwa u
tartami kara doorashada 2015 xisbiga KULMIYE
dhexdiisa.
Masuuliyiintani ama hogaamiyayaashani
xisbul xaakimka KULMIYE ee aanu soo xulay oo
tiradoodu dhamayd afar masuul ayaa waxay
kala ahaayeen:
1. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan
(Siilaanyo)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland
2. Mudane Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha
xisbiga KULMIYE
3. Mudane Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka
Arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga
ah ee Somaliland
4. Mudane Maxamed Kaahin Axmed
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga
KULMIYE.
Qaabka Aanu Usoo Xulay Inay Ra’yi
Uruurintani Ku Tartamaan Afartani Masuul
Ka hor intaanan soo gudbin ra’yi uruurintani
waxaanu daraasad hoose ku samaynay damaca
afartani masuul ka haya inay u tartamaan
xilkani musharaxnimada xisbiga KULMIYE
Madaxweyne Siilaanyo
Badhtamahii bishii Febraayo madaxweynaha
Somaliland oo dib uga soo laabanaayey safar uu
ku tagay dhawr dal, ayaa isagoo warbaahinta
kula hadlaayey madaarka Egal Intl Airport
wuxuu carabka ku dhuftay inaanay jirin wax
ka hor istaagaya inuu noqdo musharaxa xilka
madaxtinimada xisbiga KULMIYE “Ma jirto wax
iga hor istaagaya inaan noqdo musharaxa
xisbiga KULMIYE, waxaan ahay ninka
dhalinyarada ah ee xooga weli ah, waxaanan
ahay musharax u taagan inaan marlabaad
tallada dalka qabto” ayuu yidhi Mudane Axmed
Siilaanyo madaxweynaha haatan ee Somaliland
Mudane Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid
Muuse Biixi Cabdi oo isaga dhawaan uun loo
doortay marlabaad inuu hogaamiye u noqdo
xisbul xaakimka KULMIYE ayaa 04 Bishii May
isagoo war fidiyeenadda kula hadlaayey
magaalada Hargeysa wuxuu shaaca ka qaaday
inuu yahay musharax u taagan xilka
madaxtinimada Somaliland “waxan doonaya
inaan xilka ugu saraysa dalka qabto, qof
kastaana xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo,
aniguna waxaan ahay musharax u taagan
xilkaasi” ayaa ka mid ahaa hadaladii
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Mudane Maxamed Kaahin Axmed
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga
KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed
ayaa ahaa masuulkii ugu horeeyey ee isagu si
rasmi ah u shaaciya inuu damac ka hayo
musharaxnimada xilka madaxtinimada
Somaliland ee xisbiga KULMIYE, isagoo
warfidiyeenada kula hadlaayey magaalada
Hargeysa ee caasimadda Somaliland bishii
October sannadkii hore ee 2013-kii ayuu si
rasmi ah u sheegay inuu yahay musharax u
taagan xilkaasi “waxaan halkani ka
caddaynaya inaan ahay musharax u taagan
xilka madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE”
ayaa ka mid ahaa weedhaha mudane Maxamed
Kaahin Axmed
Mudane Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga ah ee Somaliland, waa shakhsiga
keliya ee aan isagu si rasmi ah ugu dhawaaqin
inuu yahay musharax balse marar badan oo la
weydiiyey wuu ka gaabsaday, isagoo sheegay
in la sugo xilliga iyo wakhtiga loo dareerayo
musharaxnimada xisbiga KULMIYE.
Balse odorosaad, baadhitaan iyo xog badan oo
shabakadani HALBEEGNEWS ka xuurimisay
kana heshay kambuul wareedyo ku dhaw
dhaw wasiirka arrimaha dibadda Mudane Biixi
ayaa waxay noo xaqiijiyeen inay ka mid ahayd
shuruudii uu Mudane Yoonis ku aqbalay xilka
wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland inuu
fursad u hello inuu u tartamo doorashada 2015,
waxaana xogahaasi HALBEEGNEWS u
xaqiijiyeen inuu ku dhawaaqayo
musharaxnimadiisa marka la asteeyo wakhtiga
iyo goobta shirweynaha xisbiga KULMIYE.
Codbixinta HALBEGNEWS Uruurisay
Waxaa sida caadada ah ee ay ku caan yahiin
dunida ku dhaqanta nidaamka dimuqraadiga
ahi, ay warbaahintu door weyn ku leedahay
inay ifafaalayso, iftiimiso, isla markaana soo
bandhigto ra’yi uruurinta sida dadka damacu
ka hayo xilka ugu sareeya ee qarrankaasi ay
taageero ugu dhex leeyahiin bulshada ay
doonayaan inay hogaanka u noqdaan.
Halbeegnews oo ka faa’iidaysanaysa
tiknolojiyadda casriga ah ee loo uruuriyo
ra’yiga isla markaana bartilmaameedsanaysa
dadweynaha Somaliland kuwa weliba ugu
badan ee codkooda dhiibta sida haweenka iyo
dhalinyarada, ayaa waxaanu 05 bishii May ee
sannadkani 2014 aanu soo bandhignay inay
dadweynaha Somaliland ay codkooda ka
dhiibtaan afartani masuul ee ka dhawaajiyey
hankoodu bal kay taageerada ugu badan u
hayaan inuu u noqdo gudaha xisbiga KULMIYE
dhexdiisa musharax.
HALBEEGNEWS oo isticmaalaya nidaamka ugu
casrisan ee loo uruuriyo ra’yiga taageerada
(Opinion Polls) isla markaana la kaashanaya
haayadda YOPOL loo yaqaano ee dalka
maraykanka, ayaa waxaa noo suurtagal
noqotay inaanu soo uruurino isla markaana ay
codbixintani ka qayb gallaan dadkii ugu tiro
badna taariikhda inta la xusuusto Somaliland
ee warbaahini ka uruuriso codbixin tirada
le’eg.
Natiijadda Codbixinta
Codbixintu waxay socotay intii u dhexaysay
isniin 05 May 2014 waxaana aanu soo xidhnay
maanta oo ay bishu ku beegantahay 14 bisha
May 2014, ka dib markii aanu hellay codod ku
filan inay go’aan ka gaadhi karaan natiijadani.
Waxaa codkooda ka dhiibtay codbixintani
tiradii ugu badnayd taariikhda inta la
xusuusto ee codbixin dhiibta, cododka aanu
uruurinayna waxay tiradoodu dhanayd guud
ahaan 5151 qof (Shan kun boqol iyo kaw iyo
konton qof)
Tirada Ay Kala Helleen Afarta Masuul Oo
Aanu Ka Soo Dheegnay Sideeda Natiijadda
Barnaamijka Aanu Codbixinta Ku Qaadnay
ee Yopol waa tani
Ama Guji Sawirka Hoose Si Aad U
Weynaysato Natiijadda
Natiijadda Cododka Oo Qoraal Ah
1. Madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo wuxuu helay 971 Cod
(sagaal boqol iyo kaw iyo todobaatan cod)
Una dhiganta 19% (Boqolkiiba sagaal iyo
toban) saamiga tirada guud ee cododka la
dhiibtay
2. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuxuu
hellay 2992 cod (Laba kun laba boqol iyo
laba iyo sagaashan cod) una dhiganta 58%
(Boqolkiiba sideed iyo konton) saamiga
tirada guud ee cododka la dhiibtay
3. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxuu
helay 706 Cod (Todoba boqol iyo lix cod) una
dhiganta 14% ( boqolkiiba afar iyo toban)
saamiga tirada guud ee cododka la dhiibtay
4. Guddoomiye ku xigeen Maxamed Kaahin
Axmed wuxuu hellay 482 cod (Afar boqol iyo
laba iyo sideedtan cod) una dhiganta 9%
(Boqokiiba sagaal) saamiga tirada guud ee
cododka la diibtay
Guddoomiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo
Codbixintani
KU GUULAYSTAY
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid
Muuse Biixi Cabdi waxaanu u dirayna
HAMBALYO, maaha markii ugu horaysay ee
codbixin aanu qaadno uu ku guulaystay, balse
waxaa ra’yi uruurintani ay si cad u
tilmaamaysa in marka la isku daro seddexda
nin ee kula tartamaayey ra’yi uruurintani uu
codod ilaa xad tiradaasi le’eg hellay oo dhan
%58, oo ah cod aan la dhayalsan karin.
Ra’yi uruurintani (Opinion Poll)
HALBEEGNEWS qaaday ayaa kaga duwan
kuwii hore tirada cododkooda dhiibtay oo ah
kuwii ugu tiro badna ee ra’yi uruurintani ka
qayb gallay
Goobaha Laga Codeeyey
Codbixinta ayaa goobaha laga codeeyey waxay
%55 ahaayeen gudaha Somaliland, %30
codbixinta waxaa dhiibtay dadka ku nool
caasimadda Somaliland ee Hargeysa sida
barnaamijka YOPOL oo aanu ku xidhnay GPS
uu si rasmi ah u tibaaxayo.
%35 dadka codbixinta dhiibtay waxay ka
dhiibteen magaalada Burco ee xarunta gobolka
Togdheer, halka %15 ay ka dhiibteen
magaalada Boorama %22 ay ka dhiibtaan
dalalka Britain, Canada, USA, France, Saudi
Arabia, UAE, Qatar, iyo yurub oo dhan.
Bogaga Aanu U Isticmaalay Fidinta
Codbixinta
Fidinta codbixintani waxaanu u isticmaalay
bogaga Facebook, Twitter iyo weliba Mobile
messaging System (MSS) aanu badanka u
diraynay gudaha Somaliland, anagoo
bartilmaameedsanaynay dadka ugu badan ee
codaynta dhiibta.
Fadlan haddii aad ra’yi ka qabto codbixintani
nala soo xidhiidh
HALBEEGNEWS, HARGEYSA
contact@halbeegnews.com
halbeegnews.net/2014/05/14/yaa-ku-guulaystay-rayi-ururintii-ugu-balaadhnayd-ee-abid-warbaahin-somaliland-ahi-qaado-oo-halbeegnews-ka-uruurisay-shacabka-somaliland-yaad-u-dooran-lahayd-musharaxa-xisbiga-kulmiye-doorashada-2015/